Ahmadinejad oo loo Diiday inuu Isu Sharaxo Madaxweyne

0
376

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in Madaxweynihii hore, Mahmoud Ahmadinejad, laga mamnuucay in u tartamo doorashada madaxweynaha ee dalkaasi ka dhici doonta bisha soo socota.

Golaha ilaalinta danaha qaranka dalkaasi ayaa waxaa ay ansixiyeen lix qof keli ah inay doorashada madaxtinimada u tartamaan.

Waxaana ka mid ah lixdaa qof ee la ansixiyay madaxweynaha hadda talada dalka haya ee Hassan Rouhani, iyo ninka loo arko in uu yahay kan ugu mowqifka adag raga tartamaya ee, Ebrahim Raissie.

Doodihii tooska looga tebinayey Telefishanka ayaa saameyn weyn ku yeeshay labadii ugu dambeeyey doorashada madaxtinimada Iran.

Waxa ay soo jiiteen daawadayaal farobadan waxaana loo arkay inay ahayeen kuwo sare u qaaday ololahii madaxweyne Rouhani sannadkii 2013-ka, balse haatan madaxweyne Rouhani ayaa walaac ka muujiyay in la joojiyo dooda Telefishanka waxa uuna sheegay inuu  ka dacwoon doono talaabada lagu joojinayo dooda Telefishanka.

 

Leave a Reply