Khubaro Israel U Dhalatay Oo Soo Saartay Qalab Biyaha Lagaga Saaraayo Fayraska Ku Jira

0
346

Khubaro u dhalatay Israel ayaa soo saartay qalab cusub oo biyaha ka saari kara Fayrasyada ku jira, kuwaas oo awood u leh inay nooc walba iyo sees walba ka saaraan biyahaasi , waxaanay tani sahlaysaa in biyaha si fudud lagu nadiifin karo.

Khabiir lagu magcaabo Moshe Herzberg  oo cilmi baadhe ka ah jaamacadda Ben-Gurion University ayaa sheegay  in biyaha oo laga saaro dhamaan wixii  Viruse ahi ay noqotay mid muhiim ah oo lagu dedaalo  xalinta dhibaatadeeda.

Viruse ka ay la dagalaamayaan khubaradan ayaa inta badan ah ka laga helo meelaha Wabiyada iyo Harooyinka ah, kuwaas oo la filaayo in sannadaha soo socda la isticmaalo biyahooda.

Khubaradan Saynisyahanada ah ayaa rumaysan in biyaha meelaha  biyo xidheenada ah , wabiyada iyo goobaha xayawaanada lagu xanaaneeyo ay khatar badan ugu sugan yihiin biyaha Viruse ka ku jira , waxaanay dhowaan sheegeen khubaro caafimaad inay jiraan walxo caagag ka samaysan oo biyaha  ka dhiga kuwo wasakhaysan.

Waxaanay intaasi ku dareen  in biyahaasi wasakhaysani yihiin kuwo  wax weyn ka bedela maskaxda kaluunka biyahaasi ku nool, sidoo kalena ay wax u dhinto habka taranka ee kaluunka.

Khabiirkan iyo khubarada kale ee la saaxiibka ah ayaa bilaabay inay ka saaraan biyaha wasakhda ku jirta , kuwaas oo ay kamid yihiin Viruse-ka iyo waxyaalo kale oo badan.

Qalabkan ay soo saareen ayaa ah mid ka wada saaraaya Germis badan iyo sidoo kalena Viruse  aad u tiro badan.

Warbixintan oo lagu daabacay wargeyska Daily Mail oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay ayaa sheegay inay rumaysan yihiin inay qalabkan si toosa ugu guulaystaan inay biyaha kaga sifeeyaan dhamaan xashiiska iyo Fayraska ku jira .

Saynisyahankan ayaa sidoo kalena sheegay in  ay yarayn karaan  Viruse kasta oo ka gudbi kara biyaha una gudbi kara  xiidmaha  dadka bani aadmiga ah  iyo jidhka intiisa kale, kaas oo biyahaas  ku jira.

 

Leave a Reply