Magaalada Ugu Wasakhowga Badan Hawo Ahaan Maraykanka Oo La Shaaciyey

0
316

Waxa markii ugu horeysay lasoo saaray magaalada ugu hawo wasakhowga badan wadankaasi Maraykanka, iyada oo noqotay magaalada ugu wasakhowga badan , kana gashay kaalinta kowaad toban magaalo oo dalkaasi ku yaala aadna ugu dhiban wasakhowga hawada.

Ururka lagu magcaabo American Lung Association ayaa qoraal uu soo saaray dhowaan waxa uu ku sheegay in California tahay meesha ugu wasakhowga badan hawo ahaa, iyada oo kaalinta kowaad ka gashay magaalooyinka Maraykanka oo ilaa 10 magaalo ah.

Cad ceeda ayaa noqotay mid aan la arki Karin, iyada oo ay qarisay cad ceeda qiiq aad u badan oo hawada isku xidhay, waxaanay noqotay magaalo ay adag tahay in laga nadiifiyo wasakhowga hawada oo ah mid ka dhashay warshadaha dalkaasi ku yaala.

Waxa kale oo iyaguna kaalmaha hore soo galay wasakhowga hawada magaalooyinka Los Angeles, San Francisco iyo magaalooyin kale, kuwaas oo noqday kuwa ugu xun dhanka wasakhowga hawada.

Waxa kale oo iyaguna si weyn uga qayb qaatay wasakhowga hawada qiiqa ay sii daynayaan gawaadhida tirada badan ee halkaasi laga isticmaalo, kuwaas oo  isticmaala shidaal aad u badan, kadibna hawada kusii daaya qiiq fara badan.

Magaalada Los Angeles ayaa loo diwaangeliyey  sannadkii 2016 kii inay tahay magaalada ugu caafimaadka xun, iyada oo hawadeeda oo wasakh ahi ay keentay inay noqoto ta ugu caafimaadka xun.

Waxa iyaguna noqday kuwa ugu hawada wanaagsan  magaalooyinka  Wyoming , Farmington iyo New Mexico oo loo diwaangeliyey inay yihiin magaalooyinka ugu wasakhowga yar.

Leave a Reply