Masar Oo Soo Iibsatay Markab Weyn Oo Badda Hoos Mara

0
392

Waxa magaalada Alexandria soo gaadhey oo si weyn loogu soo dhoweeyey  markab weyn oo kuwa biyaha hoos mara ah, kaas oo xambaari kara ciidamo aad u tiro badan iyo gantaalo kala duwan, waxaana lagu magcaabaa S41, kaas oo lagu sameeyey dalkaasi Jarmalka .

Wargeyska Telegraph oo warbixin dheer ka qoray oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay wargeyskaasi ayaa lagu sheegay  in markabkani qayb ka yahay  heshiis  ay dawladaha Jarmalka iyo Masar sannadkii 2011 kii,  waxaana heshiiskaasi ku jiray dhismaha laba markab oo kuwa badda quusa ah oo ay lee dahay dawlada Masar.

Sannadkii 2014 kii , waxa ay labada dawladood heshiiskaasi ku kala saxeexdeen  magaalada Kiel ee dalkaasi Jarmalka, iyada oo isla sannadkii 2016 kiina ay labada dawladood ee  Jarmalka iyo Masar kala saxeexdeen heshiis kale oo lagu badinaayey maraakiibtaasi, kuwaas oo lagaga dhigaayey afar markab .

Markabkan ayaa ka dhaqaaqay tijaabo ahaan dekeda magaalada  Kiel  bishii December 10-keedii sannadkii 2015 kii, iyada oo dhanka masar si toosa loogu soo dhaqaajiyey sannadkii 2016 kii bishii December 12- keedii, waxa isna si toosa loo qoondeeyey in sannadkan gudihiisa lasoo gaadhsiiyo Masar markabka labaad oo lagu magcaabo S42 .

Waxaana samaysay markabkan shirkadda Jarmalka ah ee lagu magcaabo  Atlas Elektronik  iyo shirkadda Boeing UGM-84 Harpoon BlockII .

Leave a Reply