Buhaari oo loogu Baaqay inuu Nasto

0
365

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha caanka ah ee ururada bulshada dalka Neyjeeriya ayaa ugu baaqay madaxweyne Muxammadu Buhari in uu qaato fasax oo uu nasto sababo la xidhiidha caafimaadkiisa.

Arrintan ayaa timid ka dib markii 24-kii saac ee la soo dhaafay ay dadweynaha barta Twitter-ka isku weydinayeen halka uu ka baxay madaxweynahooda, maadaama aan la arkin muddo ka badan hal usbuuc.

Madaxweynaha kama uusan soo qaybgelin labadii kalfadhi ee ugu dambeeyay ee golahiisa wasiirada iyo sidoo kale salaaddii Jimcaha ee usbuucii hore, arrintaa oo shaki gelisay xaaladdiisa caafimaad.

Bishii Marso ee saandkan ayuu Buhari dib ugu laabtay dalkiisa kaddib markii uu muddo ku maqnaa dalka UK oo uu u aaday arrimo caafimaad awgood, balse marna ma uusan shaacin waxa uu yahay xanuunkiisa.

Warbixin qoraal ah oo ay soo saareen hoggaamiyeyaasha ururada bulshada ayaa madaxweynaha waxaa lagula taliyay in uu u hoggaansamo talada dhakhtarkiisa oo uu qaato nasiino.

Warbixinta hoggaamiyeyaashani ayaa lagu soo hadal qaaday hadal laga soo xigtay afhayeenka madaxweyhana oo sheegay in dhakhaatiirta madaxweynaha ay kula taliyeen in uu nasto.

 

Leave a Reply