Weerarada Budhcadbadeedda Galbeedka Afrika oo laba Jibaarmay

0
337

Weerarada hubeysan ee lagu qaaday maraakiibta maraya badaha Galbeedka Afrika ayaa laba jibaarmay, sanadkii la soo dhaafay.

Budhcad badeedda ayaa sare u qaaday weerarada ka dhanka ah shaqaalaha maraakiibta, sida ay sheegtay hay’adda la socodka hawlaha budhcadda badda ee OBP.

Warbixintan cusub waxaa lagu xusay 95 weerar in ay ka dhaceen gacanka Guinea sanadkii 2016-kii, halka 54 weerar ay ka dhaceen isla gacankaasi sanadkii hore.

“Neyjeriya waxaa ku kordhay weerarada, 18 afduub oo madax furasho lagu qaatay ayaa ka dhacay intii u dhexeysay bilihii March iyo May,” ayaa lagu sheegay warbixinta.

Xatooyada alaabta waxaa hadda badalay afduubka shaqaalaha oo 96 gaadhay, sanadkii ka horeeyayna ee 2015-kii 44 qof oo kali ah ayaa la afduubtay, sida ay xustay OBP.

Hay’addu waxay ku qiyaastay dhaqaalaha ku baxay budhcadda badda Galbeedka Afrika ku dhawaad $794 milyan.

Weerarada dhowaan ka dhacay xeebaha Soomaaliyana waxay dhanka kale muujinayaan in dib ay u soo laba kacleeyeen budhcad badeedda Bariga Afrika taas oo ka dhalatay feejignaan yaraanta, sida ay qabaan qorayaasha warbixintan.

Maisie Pigeon, oo ka mid ah qorayaasha warbixinta OBP, waxay sheegtay in madaxfurashada ay u tahay qaab ay budhcadda ku sameyn karaan hanti si dhib yar.

“Mid ka mid ah sababaha keenay sare u kaca dhacdooyiinka afduubka madax furashada lagu raadinayo waxaa u sabab ah iyadoo ay yartahay halista ay la kulmaan budhcadda marka la barbardhigo falalka xatooyada”, ayay tidhi Maisie Pigeon.

 

Leave a Reply