Nin u dhashay dalkaasi Masar ayaa dhowaan soo bandhigay kitaab aad u weyn oo ah kitaabka Qur’aanka Kariimka ah oo uu gacantiisa ku qoray, isaga oo in muddo ah ku hawlanaa sidii uu kitaabkaasi u qori lahaa.
Ninkan oo lagu magcaabo Sacad ayaa muddo saddex sanno ah waday sidii uu kitaabka u qori lahaa, waxaanu dhexda kaga tegey waxbarashada dugsiyadda uu wax ka baranaayey , si uu kitaabkan u sameeyo, waxaanu sheegay inuu doonaayo inuu kitaabkan taariikhda ku galo.
Kitaabkan ayaa la sheegay inuu yahay ka ugu weyn caalamka, waxaanu dhererkiisu yahay ilaa 700 oo Mitir, isaga oo ninkaasi si qurux badan kitaabkan gacantiisa ugu qoray.
Nin lagu magcaabo Maxamed oo isaguna ah nin ku nool magaalada Belqina oo ku taala Waqooyiga magaalada caasimada ah ee Masar ayaa bixiyey dhamaan kharashka ku baxay kitaabkaasi qoraalkiisa, isaga oo rajaynaaya inuu dhameeyo kitaabkan qoraalkiisa.
Ninkan ayaa aaminsan in kitaabkani noqon doono mid gala dhacdooyinka la yaabka leh ee caalamka ( Guinness World Records).
Wakaalada wararka ee Reuters oo uu qormadan wargeyska Dawan kazoo xigtay ayaa sheegtay in kitaabkani Qur’aanka Kariimka ahi dherer ahaan le’eg yahay ilaa 700 oo Mitir, waxaanay wakaaladaasi waraysi la yeelatay ninka qoray kitaabkan oo lagu magcaabo Sacad, waxaanu sheegay inuu mashruucan kitaabka lagu qoraayey waday saddexdii sanno ee ugu dambaysay, sidoo kalena uu yahay nin aan waxba haysan.