Kuuriyada Waqooyi oo ku Eedaysay CIA-da Shirqool lagu Dilayo Hoggaamiyahooda

0
340

Kuuriyada Waqooyi ayaa Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ku eedaysay in dad u shaqeeya ay maleegayaan shirqool ay ku dilaan hogaamiyahooda Kim Jong-un.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in lacag la siiyay qof ay “Kim” keliya ku sheegeen si uu u gaysto weerar kiimiko loo adeegsaday, sida ay sheegtay wasaaradda amniga gudaha.

Waxay sheegtay in shirqoolkaas la fashiliyay Waqooyiguna “uu baadhitaan samayn doono oo si aan naxariis lahayn u burburin doono” dadka ay soo dirsadeen Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi wali kama aysan hadlin eedaymahaas.

/KCNA VIA KN

Sheegashadan Waqooyigu waxay ku soo aadaysaa iyadoo ay sare u sii kacayso xiisadda ka taagan gacanka Kuuriya.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ballan qaaday in uu “xallin doono” arrinta Kuuriyada Waqoyi uuna joojin doono in ay kobciso nukliyeerkeeda.

 

Leave a Reply