Robert Marchand, oo da’diisu tahay 105 sano ayaa sameeyay riikoodh cusub oo dhinaca tartanka dadka waaweyn ee dhinaca baaskiiladaha ah. Odaygan ayay ku qaadatay in 14 mayl uu ku gaadho hal saac.
Taasi oo qiyaas ahaan u dhigmaysa in 100 Km, ay ku qaadan lahayd inuu ku daboolo 4 saacadood iyo 17 daqiiqo.
Qiyaasta socodkiisa ayaa celcelis ahaan noqday inuu jarayay 23 km/ Saacadii. Tartankan oo lagu qabtay magaalada Liyon ee dalka Faransiiska ayuu Robert ku guulaystay kaalinta koowaad iyo rikoodhka cusub ee uu sameeyay.