Weedh Xambaarsan Farxad Iyo Naxdin!

0
434

Boqor  ka mid ah boqoradii Hindiya ayaa maalin u yeedhay wasiirkiisa,  waxaanu ka codsaday inuu u soo qoro eray xikmad ah oo haddii uu faraxsan yahay ka cadhaysiiya, haddii uu cadhaysan yahay-na ka farxiya.

 

Wasiirka ayaa u soo qoray  erayga ah “Wakhtigani wuu dhamanaaya”  “This time will go”.

 

Haddii aad farxad ku jirto wuu kaa nixinayaa isagoo kuu muujinaya inuu kaa dhamaan doono, haddii aad murugo ku jirtana wuxu ku  tusayaa in aanay ahayn wax waaraya.

 

Leave a Reply