Xikmadaha Dadka Wanaagsan

0
5981

Luqmaan Al-Xakiim oo aad u xikmad badnaa ayaa laga soo weriyay in xikmadahan soo socda uu yidhi :

Haddii ay Dadku kuugu Faanaan Hadal Wanaag iyo aftahan, waxaad ugu Faantaa Aamus Wanaag iyo hadal yaraan.

2- Haddii aad qof  Wanaag u samayso ka fagow inaad xusuusiso, Haddii qof wanaag adiga ku sameeyana iska jir inaad ilowdo.

3- Haddii xoolahaagu ka baxaan  waxaad kaa Lumay Shay qiimo badan, Haddii Sharaftu kaa Luntana waxa kaa Lumay Shey aan Maal goyn Karin, Haddii Rajadu kaa Luntana waxaa tahay Caydh ah oo aan waxba haysan.

4- Weligaa hala Murmin nacaska, maxaa yeelay dadka idin dhegaysanayaa idin kala garan maayaan.

5- Qof  jecel inuu ka tago raad wanaagsan, wuxuu bulshada kula noolaada:
A. Sidii Ruux u baahan iyaga , waana uu isu dhul dhigaa  B. Sidii qof iyaga wax taray oo isagu isku filan.   C. Wuxuuna u dhaqmaa sida qof difaacaya.  D. Waxaana uu noqdaa sida Dhakhtar iyag u naxariisanaya.     Xikmado kale waxay ahaayeen:

“Aamuska wuxu ku barayaa dhegaysiga wangaasan kaasi oo aanay helin dad badani. Isku day inaad hesho weligaa xikmadaasi, kumana fashilmaysid dadaalkaaga wakhti kasta iyo meel kasta”. Ibrahim Fiqi    .“ Guushaadu waxay ku xidhan tahay riyadaada, Maaha riyada hurdada  waa tan soo jeedka ee uu weheliyo dadaalkaagu “ Aniis Mansuur

Dr. Mustafe Max’ud  Kitaabka : Sawaax Fi Duniya

Leave a Reply