Shiinaha oo Dilay Basaasiin u Shaqeynayay Mareykanka

0
351

Dowlada dalka shiinaha ayaa lagu soo warramayaa inay dishay 18 basaasiin ah  oo u shaqeynayay hey’adda mukhaabaraadka dalka Mareykanka ee CIA-da, qaar kalena ay xabsiga dhigtay, taasi oo lagu tilmaamay inay tahay xad-gudubkii ugu xumaa ee soo waajaha laamaha sirdoonka ee dalka Mareykanka muddo sannado ah.

Wargeyska The New York Times waxaa uu ku soo warramay in mid ka mid ah dadkii u basaasayay Mareykanka lagu hor dilay asxaabtiisa, taasi oo ka niyad jabisay kuwii kale inay u sii shaqeyaan CIA-da.

Dilalka loo geysto basaasiinta Mareykanka laga soo bilaabo sannadkii 2010 ila iyo 2012-kii ayaa lagu qiyaasay inay gaadheyso ku dhawaad 20.

Khubaro haatan u shaqeeya hey’adda CIA-da iyo kuwo horay uga soo shaqeeyay ayaa waxaa ay rumeysanyihiin in dowlada Shiinaha ay u dhacday amaba ay jabsatay qaabkii ay ku wada xidhiidhayeen madaxda hey’adda CIA-da iyo basaasiinta, halka qaar kalena ay aaminsanyihiin in mid kamid ah ragaasi uu fashilay qorshaha basaasnimada.

Madaxda CIA-da waa ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrinkani.

 

Leave a Reply