Shirka Riyaad oo lagaga Hadlay Siyaabaha Xididada loogu Saari Karo Xag Jirnimada

0
349

Madaxweynaha Maraykanka  Donald Trump, hoggaamiyeyaasha iyo wakiilada 55 carab iyo dalal muslimiin ah oo ka furmay Riyaad axaddii ayaa ,  ayaa diiradda lagu saarey in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Boqor  Salman ayaa ugu horeyntii ka hadlay shirka, isaga oo  u sheegay dadkii isugu yimi shirka in islaamku yahay tusaalaha ugu wanaagsan ee wada noolaanshaha , islamarkaana had iyo jeer ah diinta naxariista iyo wadajirka.

 

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shalay  ugu baaqay dalalka Muslimka ah inay u midoobaan dagaalka laga soo horjeedo kooxda Daacish, isagoo hogaamiyayaasha dalalka isugu jira Carab iyo Muslim ee ka qayb galaya kulanka ka dhacaya magaalada Riyad u sheegay in ay ahayd “dagaal u dhexeeya wanaagga iyo xumaha.”

Trump, oo ku gudajira booqashadiisii u horreysay ee uu ku tago dibadda isagoo madaxweyne ah, ayaa sheegay in Maraykanka uu doonayo waddamo isbahaysi ah “kuwaasoo wadaaga hadafka ah cidhib tirka xagjirnimada.”

“Tani ma ahayn dagaal u dhexeeya diimo kala duwan, kooxo kala duwan, ama ilbaxnimooyin kala duwan,” ayuu yidhi Trump. “Tani waa dagaal u dhexeeya dambiilayaasha Axmaqiinta ah ee raadinaya inay tirtiraan nolosha aadanaha, iyo dadka wanaagsan ee ka soo kala jeeda diimaha kala duwan ee u baahan in la ilaaliyo.

Madaxweyne Donald Trump oo lix wadan oo Muslim ah oo ay ka dhaceen weerarro argagixiso ka mamnuucay inay soo galaan Mareykanka, ayaan adeegsan halku dhagiisii ahaa “Argagixisada Asal-Raaca Islaamka ah” kaasoo ah mid si joogto ah ugu jira khudbadihiisa dalkan Maraykanka, taa beddelkeeda ayuu hoggaamiyaasha Muslimka ugu baaqay inay si hagar la’aan ah uga hortagaan argagixisada “dhibaatooyinka xag-jiriinta Muslimka ah iyo kooxaha Islaamistayaasha ah ee ay dhiirragaliyaan.”

Leave a Reply