Awoodda cajiibka ee gaarka ee dhirtu leedahay ayaa noqday kuwo wakhti dhow la ogaaday. Koox cilmiga noolaha ku xeeldheer oo ay hogaaminaysay gabadha Monica Gagliano oo ka tirsan jaamacadda Austareliya ayaa geedo digir ah ku riday weel loo qaabayay sida xarafaka Y oo biyu ku jiraan halka mid labaadna ay ku riday meel ciid adag ah.
Waxaana uu soo baxday aqoonayahanada in xididka geedkaasi uu hadba dhinaca biyuhu ka xigaan uu sii durkayay xataa haddii iyadoo u jireen caqabado kaga gudbanaa oo caag iyo balastiika ahaa.
Monica Gagliano ayaa cadaysay in xididku yaqaano barta uu ka helayo biyaha, waxaana ay sheegtay in dhirtu isticmaasho codka socodka ee u muujinaya goobta uu ka helayo biyo. Daraasadan oo lagu baahiyay Wargeyska Oecologia ayaa cadaysay in dhaman nooluhu u isticmaalo codad iyo habab uu ku ogaan karo goobta ay biyuhu ka xigaan madaama ay noloshii yihiin. Warbixintan yaa muujisay in dhirtu isticmaasho qoyaano ku haga goobaha ay biyuhu ka xigaan.