Ra’iisal wasaare Hore oo Qarax lagu Dhaawacay

0
349

Ra’iisalwasaarihii hore ee dalka Giriigga Lucas Papademos ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay gudaha gaadhigiisa oo marayay magaalada Athens.

Wararku waxay sheegayaan in laga yaabo in qaraxan uu sababay bam waraaq ahaan loo soo qaabeeyay.

Papademos oo 69 jir ah ayay dhaawacyo ka soo gaadheen lug, gacan iyo caloosha, laakiin saraakiishu waxay sheegeen “in uusan walaac ka jirin” xaaladdiisa caafimaad, darawalkiisa ayaa sidoo kale ku dhaawacmay balse isna xaaladdiisu ma liidato.

Wararku waxay intaas ku darayaan in waxyeelo ay soo gaadhay qof saddexaad oo gaadhiga la saarnaa.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas.

Papademos ayaa xilka Ra’iisalwasaarenimada loo magacaabay bishii Nofeembar ee sanadkii 2011kii markaas oo Giriiggu la daalaa dhacayay degenaansho la’aan siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Wuxuuna xilka sii hayay ilaa iyo bishii May ee sanadkii 2012kii.

Wuxuu sidoo kale madaxweyne ku xigeen ka soo noqday Bangiga Dhexe ee Yurub.

Ra’iisalwasaaraha talada haya Alexis Tsipras oo ka qaybgalaya shirka Nato ee Brussels ayaa lala socodsiiyay dhacdadan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Giriigga ee ANA.

 

Bishii saddexaad ee sannadkan waxaa xafiiska Hay’adda Lacagta Adduunka ee magaalada Baaris ku qarxay bam waraaq laga soo dhigay oo laga soo diray dalka Giriigga.

Qofkii shaqaalaha ahaa ee furay waraaqda bamka ah ayaa gubtay wuxuuna ka dhaawacmay gacmaha iyo wajiga, xafiiskiina waxaa laga daadgureeyay shaqaalihii kale.

Maalmo ka horna waxaa magaalada Baarliin lagu qabtay oo lagu fashiliyay intii uusan qarxin bam waraaq laga soo dhigay oo ku jihaysnaa wasiirka maaliyadda ee Jermalka.

Koox uu fadhigoodu yahay Giriiga oo lagu magacaabo Conspiracy of Fire Cells siyaasaddooduna ay bidix fog tahay ayaa sheegtay in ay iyagu direen shaygaas.

Leave a Reply