Macalinka “Maxaad layliska Uga Shaqayn Weyday?”

0
370

Macalinka ayaa albaabka fasalka furay  isagoo ardayga yar aad canaanaya oo aflagaadana u raacinaya. Wuxu u geeyay maamulaha dugsiga markii uu muddo kooban fasalka ku dhex ciqaabay, waxan uu ku yidhi “ Maamule dharka uu xidhan yahay bal u fiirso iyadoo layliskii aan u dirayna aanu ka soo shaqayn waa arday xun oo waxbarasho aan diyaar u ahayn”, Macalinku wuxu ku noqday fasalkii.

Maamulaha ayaa weydiiyay ardayga yar sababta uu uga soo shaqayn waayay layliskii waxaana ardaygu ku jawaabay “ Kamaan soo shaqayn waayin, waxaan uga imi buugii walaalkay oo gelinka danbe dhigta dugsiga, buugaasi oo keliya ayaanu layliska uwada leenahay.

Maamulaha ayaa si naxariis aabonimo ah u eegay waxaana uu ku yidhi :” wiilkaygiiyow maxaad usoo xidhatay dharkan kaa waaweyn”? waxaana uu ku jawaabay “Anigu ma lihi dharkan walaalkayga weyn ayaa leh isagaa ayaana galabtii ku  taga dugsiga”. Ardaygaasi yar wax jira kuwo badan oo la mid ah oo dhiganaya dugsiyada. Mihnadda waxbarashadu maaha keliya goob loo soo shaqo tago waa goob lagala socdo dareenka bulsha, markaa maamulayaasha iyo macalimiinta waa inay dhinaca insaaniyadda aad ula socdaan.

Leave a Reply