Hargaysa (Dawan): Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda boosaha iyo is-gaadhsiinta xukuumadii UDUB Cali Sheekh Maxamed cabdi (Aadami), ayaa soo dhaweeyay talaabooyin dhinaca siyaasadda ah oo todobaadkan ka dhacay Somaliland oo ay qaadeen madaxweynaha, xukuumadda iyo komishank doorashooyinka.
Tallaabooyinkaasi oo kala ah go’aankii uu madaxweyne Siilaanyo ku dhaqan-geliyay doorashadda, gudiga doorashooyinka oo mudeeyay wakhtiga ay dalka ka qabsoomayso doorashadda iyo wasaaradda maaliyadda oo komishanka ku wareejisay qaybtii xukuumadda kaga soo beegantay lacagta ku baxaysa doorashadda.
Cali Sheekh Maxamed cabdi (Aadami), oo xalay u waramay DAWAN, waxa kale oo uu axsaabta siyaasadda u soo jeediyay in ay u diyaar garoobaan doorashadda madaxtooyadda maadaama oo la dhamaystiray wakhtiga ay dhacayso iyo wixii kharash ahaa ee ku baxayay.
Sidaas darteedna xisbiyadda looga baahan yahay in iyagna ay wixii ka qabyo si dhakhso ah u soo dhamaystiraan, sida guddoomiyaha xisbiga Waddani oo laba jago isku haya iyo xisbiga UCID oo aan weli soo magacaabin musharaxa jagadda madaxweyne ku xigeenka.
“Marka hore waxaan hambalyaynayaa geedi-socodka siyaasaded ee cusub ee todobaadkan ka dhacay Somaliland. Kuwaasi oo kala ah, guddiga doorashooyinka oo mudeeyay wakhtiga doorashadda. Wasaaradda maaliyadda oo bixisay qaadhaankii lacaageed ee kaga beegnaa. Madaxweynaha oo maalintiiba dhaqan-geliyay kuna soo saaray digreeto wakhtiga doorashadda.
Waxaan codsanayaa in xisbiyadu u diyaar garoobaan oo ay dhaqaajiyaan wixii qabyo ka ah. Kuwaasi oo ay ka mid tahay is-casilaadda madaxda mansabyadda labadda ah haysa, sida guddoomiyaha golaha Wakiiladda. Xisbiyadda qaarkood oo aanay weli cadayn musharixiinta jagooyinka madaxweyne ku xigeenka, sida xisbiga UCID,” ayuu yidhi Cali Sheekh Maxamed.
Waxa kaloo uu xisbiyadda siyaasadda u soo jeediyay talooyin dhawr ah, kuwaasi oo ay ka mid tahay in la joojiyo isticmaalka erayo aanu fiicnayn adeegsigoodu oo ay beryahan danbe siyaasiyiintu adeegsadaan, dhalinyaradda la soo ururiyo ee xisbiyadda ku biirra iyo odayaasha dhaqanka ee warbaahinta la soo fadhiisiyo si ay qabiil-nimo ugu dhaataan .“Waxa kale oo aan codsanayaa in la joojiyo isticmaalka erayaddan, Canbaarayn iyo Dhaleecayn, waayo waxay noqdeen erayadaasi markaan baadhitaan ku sameeyay cudurro ku dhaca xoolaha siiba Geella. Waxaanan ku talin lahaa in eryadaasi isiticmaalkoodda laga joojiyo warbaahinta, laguna bedello erayadan ‘Dhaliil iyo Toosin’”,ayuu yidhi Cali Sheekh
Waxa kale oo aan ku baaqayaa in la yareeyo dhallinyarada ururrada ah ee la leeyahay waxay ku biireen ama galeen xisbi, wax is-qabanaya ma aha arrimahaasi. Waxa kale oo aan xisbiyadda ku waaninayaa in ay joojiyaan odayaasha dhaqanka ee warbaahinta la keenayo si ay uga caytamaan, uguna dhaataan qabiilnimo.
Waxa kale oo aan ugu baaqayaa in la joojiyo xafladaha gelida iyo ka bixista xisbiyadda siyaasadda, taasi oo ah kuwo wax loogu dhimayo haybadii x isbiyadda in badana dheel-dheel iyo daacadnimo darro”.
Dawannews Hargeysa office