Kalluunku Siday Ugu Jirtaa Meerkurida Aan Caafimaadka U Wanaagsanaynin?

0
360

Magaalooyinka adduunka waxaa ku yaal kumanaan balli (lakes) oo uu ka buuxo kalluun, laakiin waxaa jira waxyaabo loo baahan yahay in aad ka ogaatid kalluunka ku jira wabiyada, ilaha biyaha iyo balliyada inta aadan cunin kalluunka.

Kalluunku in la cuno way fiican tahay waayo waxa uu leeyahay barootiin, fitamiino, macdan iyo saliido caafimaad leh.

Cunnidda kalluunku waxay ka hortagi kartaa cudurada wadnaha.

Kalluunka badankiisa ee la cuno wax uma dhimo caafimaadka.

Kalluun kasta ee la soo qabto ama la soo iibsado waxa uu yeelan karaa waxyaabo fasaqa sida kiimikada merkuriga (mecury) ama PCBs oo dhib keeni kara, siiba dumarka ku jira da’da ilmo-dhalista, dumarka uurka leh, kuwa nuujiya naaska iyo caruurta yar yar.

Sii wad in aad ku darsatid kalluunka cuntadaada, laakiin digtoonidaada qab nooca kalluun ee aad cunaysid iyo inta aad ka cunaysid sababta oo ah kalluunka waxaa ku jiri kara merkuriga iyo PCBs.

Sidee merkurigu ku galaa kalluunka? Merkurigu waxa uu ka iman karaa si dabiici ah ama qalab aadamuhu sameeyay.

Merkuriga hawada iyo biyaha fasaqaa badanaa waxa uu ka yimaadaa warshadaha guba dhuxusha, qodidda iyo gubista dhuxusha. Waxaa kale ee laga heli karaa qashinka wata nalalka xumaaday, heekul-beegyada guryaha iyo heerkul-joogteeyaha (thermostats) kuwaas oo laga yaabo in ay wataan merkuri. Merkuriga hawada galaa waxa uu ku soo degaa balliyada iyo wabiyada halkaas oo uu kalluunka galo. Kalluun oo dhan waxaa ku jira wax un merkuri ah.

Maxay caafimaadka u gaystaan merkuriga iyo PCBs? Dadka waaweyn waxay merkurigu u keentaa jidh dubaaxin, cuncun, ama kaboobyo gacmaha iyo cagaha; waxay dhaawici karaan kalyaha iyo xididdada jirka. Waxa ayna wax ka badalaan arragga. Caruurta yar yar in yar oo kalluun ah ayaa dhaawici karta maskaxdooda inta ay korayaan. Merkuri badan waxa uu wax udhimaa dhaqanka ilmaha taas oo keeni karta dhibaato waxbarshada goor dambe. PCBs waxa ay keeni kartaa kansar. Caruurta ay gaarto PCBs xilliga uurka ay ku jiraan waxay dhallan karaan iyaga oo aad u yar dhib ayaana lagala kulmaa koritaankooda. PCBs waxa ay keeni karaan dhibaato waxbarasho. Nadiifin iyo Karin ma ooga saari karaa merkuriga iyo PCB’s kalluunka? Merkurigu waxaa uu ku dhex jiraa hilibka kalluunka lagumana saarikaro nadiifin iyo karin. Laakiin PCBs iyo waxyaabo kale ee wax fasaqa waa la yareyn karaa haddii kalluunka laga saaro xayrta iyo maqaarka.

 

 

 

 

 

Leave a Reply