Xisbiga UCID oo ka Jawaabay Hadal ka Soo Yeedhay Xisbiga WADDANI

0
295

Burco (Dawan)- Xoghayaha Duulista Hawadda ee Xisbiga UCID, Bashiir Xasan Xamari, oo ayaa jawaab adag ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay masuul ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo eedo kulul u jeediyay Xisbiga UCID iyo Hogaamiyihiisa Eng Faysal Cali Waraabe .

Xoghayaha oo shir jaraa’id ku qabtay magaalda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa mid-mid uga jawaabay eedihii uu xisbiga waddani u jeediyay guddoomiyaha UCID, waxaanu ku nuuxnuuxsaday doorka Xisbiga UCID iyo Hogaamiye Faysal Cali Waraabe ku leeyihiin Qaranka.

Xog-hayaha Duulista Hawada Ee UCID Mudane Bashiir Xasan Xamari ayaa ugu horayn ka jawabay hadaladii ka soo yeedhay Xisbiga WADDANI Waxaanu yidhi “Maanu jeclayn, khayr iyo tahajud ayaa la waday, in aanu cid la hadalno, Mar haddii laga fadhiyi-waayay, annagana waxay nala noqotay, in wixii nagala gudboon in aanu ka nidhaahno, shalay waxaa uu warkiisu na soo gaadhay, Nin lahaa xoghayaha duulista ayaan ahay ee Xisbiga WADDANI, hadalkiisii, Waxaan inanyahow ku sheegayaa adiga iyo Xisbiga WADDANI-ba, Faysal waa astaamaha qarankani leeyahay, cadawgiisu marka uu tilmaamayo, calanka iyo Madaxweynaha marka laga yimaaddo, waa astaanta ay meel walba kaga hadlaan weeye Faysal Cali Waraabe, waxqabadkiisii waa la ogaaa, dib u heshisiintiisi waa la ogaa, hormuud-ka uu ka yahayna waa la ogaa,  Ninka astaanta noqday dalka looga biqi-maayo, horena loogama baqin.”

Bashiir Xasan Xamari isagoo sii wata hadalkiisa ayaa waxaa uu yidhi “Hadalkaaga waxa kale oo ku jiray Muuse iyo Cabdiraxman ayaa tartamaya, dee in lanaga baqaa hadda uguma horaynoo, horeba sidaas oo kale ragbaa u baqay, doorasho diyaar baanu u nahay, horena waan u galnay, immikana waan galaynaa, midda kale waxaad illawsantahay Cabdiraxman in uu ka soo aflaxay oo uu siyaasadda ku soo bartay kursi Faysal-Fadhiisiyay, Gudoomiye Barlamaanna uu UCID ku noqday.”

Geesta kale Xoghaye Bashiir Xasan Xamari ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay Xisbiga WADDANI sida uu uga jawaabay hadalkii Gudoomiye Faysal ee ku saabsanaa dadka lagu caddibo xuduudaha Somaliland la wadaagto Ethiopia iyo Jabuuti, waxaanu yidhi “Waxaa la yaaba Faysal baa maalin dhawayd hadlay oo yidhi, dadkayaga galaya Jabuuti iyo dadkayaga galaya Ethopia waa la dhibaaye ee dhibta ha laga daayo, Xisbi aad mooddo in uu Addis-ababa iyo Jigjiga ka masuul-yahay ayaa jawaab bixiyay, waar goormay Magan-allee dagaal noqotay, waar dadkayga dhibta ha laga daayo, wax looga jawaabay iyo wax laga yidhi toona garan-mayno.”

 

 

 

Ugu Danbayn Xoghaye Xamari waxaa uu fariin u diray Xisbiga WADDANI, waxaanu Yidhi “Waar WADDANIYOW umaddu way ku aragtaa, Nairobi ayay doraad ahayd, DP World iyo Saldhigga markuu arrinkoodii socday, waxaad la safateen Soomaaliya, Ninkii xamar ka yimid iyo ninkii uga dooday BBC-da Xisbiga WADDANI isku waddo ayay mareen, Waar WADDANIYOW adigu meel istaag, oo is caddee, Faysal Cali Waraabe 24-Saacadood-ba Reer Somalia way is haystaan, waar WADDANI iyo Cadawgu meel uu isku hayyo lama arage, xaaladdu waa sidee, waxaan kale oo aan sheegaya Cod-ka cidda laga doonayaa waa reer Somaliland, waar codka la doonayaa Jigjiga ma yaallo, Muqdisho-na ma yaallo,”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply