Dayax Gacmeedyo Ay Sameeyeen Jaamacaddaha Dalka Iran Oo Hawada Loo Diraayo Markii Labaad

0
321

Waxay markii labaad dawlada dalkaasi Iran ay hawada sare u diraysaa dayax gacmeed ay sameeyeen ardayda jaamacaddaha Sharif University of Technoloy iyo jaamacadda kale ee  Amir Kabir University  of Technology.

Agaasimaha hay’adan Iran Space Agency (ISA) oo lagu magcaabo Xaamid Fazeli ayaa sheegay  mar uu u waramaayey telefishanka Press Tv oo uu warkan kazoo xigtay wargeyska Dawan inay iminka ku jiraan tijaabadii ugu dambaysay ee ay ku tijaabiyaan satellite-kaas ,iyaga oo bilaabaaya diyaar garowga ay ku doonayaan inay ku diraan satellite-kaas ,iyaga oo sheegay nay hore ugu guulaysteen tijaabinta labada satellite oo ay sameeyeen ardayda Techonology-ga ka barata jaamacaddaha dalkaasi ,gaar ahaan jaamacadda lagu magcaabo Sharif University of technology iyo mid kale oo ay sameeyeen Amir Kabir University of technology .

Waxaanu intaasi ku daray sarkaalkaasi inay u samayn doonaan dabaal deg ay ugu talo galeen inay ku daraan dabaal dega loo samayn doono 35 guuradii kazoo wareegtay markii uu dalkaasi ka dhashay kacdoonkii Islamiga ahaa ee ay dawlada dalkaasi Iran ku noqotay dawlada islaamiga ah kana dhacay dalkaasi sannadkii 1979 kii .

Dayax gacmeedkan ayaa culays ahaan noqonaaya 50 kilogram ,iyada oo loogu talo galay in la dhigo meel loogu talo galay oo amaankiisa aad loo adkaynaayo,waxaana uu gaadhayaa masaafo dhan 350 km oo u dhiganta 217 mile iyo sidoo kalena 500 kilometer oo u dhiganta 310 mile oo dhulka ka saraysa.

Waxaana la sheegay inuu dayax gacmeedkani noqon doono mid soo gudbiya sawiro aad u wanaagsan oo lagaga maarmi karo sawirada shucaaca leh ee inta badan ay soo gudbiyaan satellite-yada kale soo gudbiyaan,iyada oo la doonaayo inuu keeno warar xaqiiqda ku salaysan markasta oo loo baahdo,sidoo kalena uu toos usoo gaadhsin doono dhulka isaga oo soo dhex marinaaya xarumaha loogu talo galay.

Dalka Iran ayaa markii ugu horeysay dirtay dayax gacmeed lagu magcaabo Omid sannadkii 2009 kii isaga oo markii dambena si nabada usoo laabtay ,waxa kale oo ay dawlada dalkaasi dirtay dayax gacmeed kale oo ay saarnaayeen waxyaalo nooli  bishii February ee sannadkii 2010 kii .

Leave a Reply