Maraykanka oo Joojiyay Hilibkii uga Iman Jiray Barazil

0
372

Dawladda Maraykanka ayaa joojisay hilibkii looga soo dhoofin jiray dalka Barazil ka dib markii ay soo noqnoqotay walaaca laga qabo badqabka hilibkaas loogu talogalay suuqyada Maraykanka.

Dalal dhawr ah ayaa bishii saddexaad ee sannadkan mamnuucay hilibkii Barazil uga iman jiray, ka dib markii dacwad oogeyaal ay sheegeen in la laaluushay saraakiishii caafimaadka ee xaallada hilibka la socan lahayd.

Masuuliyiintaas caafimaadka ayaa laaluushka loo siiyay si ay u sheegaan in tayada hilibku uu wanaagsan yahay oo ay gaadhsiisan yahay heerkii lagu iibgayn lahaa.

Maraykanku markaas ma mamnuucin hilibkii Barazil, laakiin wuxuu amray in baadhitaan lagu sameeyo dhamman hilibka laga soo dhoofiyo dalka Barazil.

 

 

Hadda ayuu dalku sheegay in qaar badan oo ka mid ah hilibka Barazil uu ka hooseeyey heerkii badqabka ee lagu quudan karayay.

Xukuumadda Maraykanka ayaa tan iyo bishii saddexaad diiday in uu dalka soo galo 860,000 kg oo hilibka Barazil ah, iyadoo lagu sababeeyay walaac laga qabo in hilibkaasi uu wax u dhimo caafimaadka bulshada, xaaladda nadaafadeed ee hilibka oon wanaagsanayn iyo caafimaadka xoolaha la soo qalay.

 

Leave a Reply