Shirka Midowga Yurub ee Brussels

0
369

Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ee  ku shiraya Brussels waxay sheegeen in ay go’aan ku gaadheen in ay yeeshaan iskaashi intii hore ka dhow oo difaaca ah.

Gudoomiyaha guddiga reer Yurub Jean-Claude Juncker wuxuu sheegay in hogaamiyayaashu ay garawsadeen baahida ah in ay aad sare ugu qaadaan gaashandhigooda,haddii ay Yurub dooneyso in ay wajahdo heer Maraykanka.

Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel oo iyaduna gaadhay magaalada Brussels oo uu ka dhacayo shirwaynaha Midowga Yurub ayaa sheegtay in arrinta ugu wayn ee laga wadaxaajoonayo ay tahay ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub.

Waxaa sidoo kale si cad diirada loo saarayaa mustaqbalka 27-ka dal ee ku hadhay Midowga Yurub.

Waxa ay sheegtay in ay rajaynayso in natiijooyiin la taaban karo ay ka soo baxaan hanaan dhanka gaashaandhiga ah. waxa ayna bogaadisay hal abuurnimada madaxwaynaha cusub ee faransiiska Emmanuel Macron.

Dhankakale Ra’isalwasaaraha Britain, Theresa May ayaa ka qeybgaleysa shirka Brussels markii u horeysay tan iyo markii xisbiga muxaafdka ee Britain uu waayey aqlabiyadii uu barlamaanka ku lahaa kadib doorashadii guud.

Ms May waxay shirkaasi ku soo bandhigi doontaa aragtida ay ka qabto xuquuqda muwadiniinta Midowga Yurub ee Britain ku nool iyo qodobo kale.

Madaxda Yurub ayaa wali ku sii qulqulaya Brussels hase ahaate guddoomiyaha guddiga sare ee Midowga Yurub Donald Tusk war qoraal ah oo uu soo saaray wuxuu ku sheegay in ay suuroobi karto in Britain aysanba kaba bixin Midowga Yurub.

 

Leave a Reply