Aabe Iska Ooyay Markuu Dhagaystay Garaaca Wadnahii Inantiisa oo Dhimatay ku Deeqday

0
378

Waxaa la baahiyay sawirrada markii aabe uu dhagaystay wadnaha inantiisii oo dhimatay oo ka dhex garaacmaya laabta nin ay badbaadisay  ay ugu deeqday, arrintaasi waxay ka dhacday dalka Maraykanka.

Bill Conner ayaa baaskiil ka qaatay gurigiisa oo ku yaalla Wisconsin isaga oo boqollaal kiiloo mitir jaray si uu garaaca wadnaha inantiisa ugu soo dhagaysto magaalada Baton Rouge ee caasimadda u ah gobolka Louisiana ee dalka Maraykanka.

Ilmo ayaa ka soo daadatay markii uu dhagaystay garaaca wadnihii ay inantiisu ku deeqday markii ay dhimatay oo ku jira jidhka nin lagu magacaabo  Loumonth Jack.

Jack ayaa loo sheegay in ay maalmo uun u dhimanyihiin ka dib markii wadnaha laga qabtay.

“Wuu ogyahay in sababta uu u nool yahay ay tahay gabadhayda Abey, Abey isaga ayay ku dhex nooshahay – wadnaheeda ayaa sabab u ah in uu in uu si sax ah u taaagan yahay,” Conner ayaa sidaas u sheegay warbaahinta CBS News.

“Waan ku farxay isaga iyo qoyskiisaba, dhanka kalana waxa ay iiga dhigantay inaan mar kale la kulmay inantaydii.

Abbey iyo walaalkeed oo miyir daboolmay ayaa laga helay berked lagu dabaasho oo ku taalla magaalada loo dalxiis tago ee Cancun ee dalka Maksiko.

Waxaa diyaarad loo saaray magaalada Fort Lauderdale ee gobolka Florida, halkaas oo dhakhaatiirtu qalab ku xidheen tan iyo intii ay uga suurtagalaysay in xubnaheeda lagu tallaalo dad kale, walaalkeed ayaase badbaaday.

Conner oo gabadha aabaheed ah ayaa sheegay in Abbey ay iyadu go’aansatay in ay xubnaheeda ku deeqdo markii ay 16 sano jirtay.

“Haddii aad saaxiibbo tihiin markaste way ku garab istaagi lahayd, dadka baahan ayayna caawin jirtay – sidaas ayay ahayd,” ayuu yidhi.

Maksiko

Conner ayaa go’aansaday in uu baaskiilka ku maro 4000 oo kiloo mitir si uu wacyigalin ugu sameeyo xubnaha lagu deeqo una booqdo Isbitaaalka Broward Health Medical Center oo hayay maydka inantiisa.

Intii uu dhexda ku sii jiray ayuu ogaaday in uu la kulmi doono Jack.

Isbitaalkii hayay maydka Abbey ayaa waraaqo u diray afar ruux oo la kala siiyay xubnaheeda si ay ula kulmaan aabaheed.

Afartaas ruux waxaa ka mid ahaa Jack oo xaaladdiisa caafimaad ay aad u sii xumaanaysay ka hor inta uusan helin wadnaheeda.

“Way i badbaadisay uma abaalgudi karo. Waxaan jeclaan lahaa in aan u abaalgudikaro laakiin ma awoodo,” Jack ayaa sidaas u sheegay telefeshinka WAFB. Hadda waxaan samayn karaa oo kali ah in aan jacayl la wadaago qoyskeeda ayuu intaas ku daray.

Dadkii goobjoogga ka ahaa kulanka Conner iyo Jack ayaa ku tilmaamay mid quluubta dadka taabtay.

“Wax aan la rumaysankarin ayay ahayd,” ayay BBC-da ku tidhi Mary Klemenok oo u hadashay hay’adda xubnaha la isu tabaruco ka shaqaysa ee Louisiana Organ Procurement Agency.

“In Abbey ay rabtay in xubnaheeda ay ku tabarucdo marka ay geeriyooto ayaa jaanis siiyay naf kale si ay u noolaato.

“Bill ayaa dhagaystay garaaca wadnaha  inantiisa ka dibna duubtay si uu u haysto inta uu noolyahay, xaqiiqo ahaanna waa arrin aad u qurux badan.” ayay tidhi.

 

Leave a Reply