Madaxweynaha Barazil oo lagu Haysto Laaluush Qaadasho

0
369

Madaxweyne Michel Temer ayaa ku adkeysanaya in uusan wax khalad ah samayn, balse dacwad ooge Rodrigo Janot ayaa sidaasi si ka duwan qaba.

Dacwada ooguhu waxaa uu keenay eeddeymo la xidhiidha in madaxweynuha uu aqbalay in laaluush la siiyo maxkamadda sare Isniintii.

Sida uu qabo sharciga waddanka Barazil, aqalka hoose ee baarlamaanka ayaa loo baahan yahay in ay cod u qaadaan in loo ogolaanayo iyo in kale in maxkamaddu shaqa joojn ku sameyso madaxweynaha.

Xildhibaannada isbaheysiga madaxweynaha ayaa sheegaya inay haystaan codad ku filan oo ay uga adkaan karaan aqlabiyadda baarlamaanka marka saddex meel loo dhigo laba ka mid ah, taas oo loo baahan yahay haddii ay noqoto in madaxweynaha maxkamadda la horkeeno.

 

Leave a Reply