“Anigu Dhahar Baan Joogaa oo aan Gurmad Geeyay Cidda Puntland u Taqaanana Waxaan u Sheegayaa..”

0
350

Dhahar(Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland,  Cali Jaamac Faarax (Buureed),ayaa waxba kama jiraan iyo been abuur cad ku tilmaamay warar sheegayay in uu socdaal ku tegay magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Waxaannu intaa ku daray in uu joogo degmada Dhahar ee gobolka Badhan oo uu geeyay dawooyin loogu gurmaday shuban biyood degmada ka dilaacay oo ay dad badani u dhinteen.Waxaa kaloo uu baaq u diray  wasaaradda caafimaadka isagoo sheegay in wali degmada Dhahar in uu ka jiro cudurka Shuban-biyoodku isla markaana ay u dhinteen dad tiradoodu kor u dhaaftay 30 qof.

Wasiir Buureed oo khadka telefoonka  ugu waramay wargayska Dawan xalay isagoo ku sugan degmada Dhahar,ayaa mar uu ka jawaabayay waxa ka jira wararka sheegaya in uu Puntland tegay,waxaannu yidhi  “Horta markasta way iska dhacdaa in warar been ah la iska qoro oo been lagu ganacsado laakiin xaqiiqadu waxay tahay in la faafiyo oo war laga dhigo ayaa habboon anigu waxaan jooga degmada Dhahar oo aan Ramadaan aakhirkeedii  tegay waxaana deegaanka degmada ka jiray shuban-biyood ay dad badan oo 30 kor u dhaafay ay u dhinteen waxaanan degmada geeyay dawooyin gurmad ah oo dadka lagu badbaadiyo walina xannuunkii wuu jiraa dawooyinkii aan geeyayna way dhammaadeen wax dawo ah oo imika degmada yaallaana ma jirto markaa waxaan wasaaradda caafimaadka ugu baaqyaa in ay dadka u soo gurmato  kol haddii xannuunkiina uu wali jiro dawona aanay oollin mana laha degmadu gaadiidka gurmadka deg degga ah ee ambalaasta dhakhaatiirina ma joogto markaa deegaan xaaladaasi ka jirto ayaan jooga oo aan gurmad dawo geeyay intay leeyihiin Puntland ayuu tegay waxay ahayd in ay ka waramaan dadka shuban-biyoodka Dhahar ugu dhintay.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray. “anigu dhaharbaan jooga oo aan dawo geeyay cidda u haysata in ay Puntland tahayna waxaan u sheegayaa in degmada Dhahar ay ka mid tahay dhulka iyo dalka Somaliland dal ahaan iyo dad ahaanba haddii ay taasi ka qaldantahayna imikaba ha ogaadaan,intaan joogay waxaan kulamo la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada oo aan ka wada hadalnay sidii la iskaga kaashan lahaa gurmadka dadka uu shuban-biyoodku haleelay taasoo ah xaalad wali taagan,dhawaanna waan soo noqonayaa,” Ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Faarax.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply