Guddoomiyaha Togdheer oo ka Hadlay Gacan ku Dhiigleyaal ay soo Qabteen iyo Laba Nin oo la Qafaashay

0
340

Gumbur-libaax(Dawan)- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa ka hadlay laba dil oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Togdheer, waxaannu sheegay in gacan-ku-dhiigleyaashii dilalkaas geystay in la soo qabtay, ka dib markii maamulka gobolka iyo ciidanka boolisku wadajir uga hawlgaleen.

Waxa kaloo   uu ka hadlay soodeynta laba nin oo la afduubay oo lagu soo wareejiyay maamulka gobolka ka dib markii ay ka wada shaqeeyeen odayaasha deegaanka.Labada dil oo ka kala dhacay tuulada Gumburlibaax iyo degmada Dhoqoshay,ayuu guddoomiyuhu sheegay in dilka ka dhacay degmada Dhoqoshay in uu ahaa dil dhex maray laba nin oo ehel ah oo shaydaan ka dhex shaqeeyay,halka dilka kale oo ka dhacay tuulada Gumburlibaax la xidhiidhay aano dilal hore u dhacay.

Waxaanu digniin adag u diray cid kasta oo isku dayda in ay falal nabad gelyo darro ku kacdo,waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar  ah oo uu khadka taleefanka ku siiyay xalay isagoo ku sugan tuulada Gumbur Libaax oo ah halka dilka aanada hore la xidhiidha uu ka dhacay isla markaana ay kula wareegeen labada nin ee la afduubay.

Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay laba dil oo ka dhacay gobolka Togdheer iyo noocyada ay u kala dheceen iyo cidda geysatay,ayaa yidhi. “horta intaanan ka jawaabin su’aasha waxaan halkan tacsi uga dirayaa ehelada iyo qoysaska ay ka bexeen labada Marxuum ee geeriyooday geeriduna waa xaq labada Marxuumna waxaa ALLE uga baryayaa in uu u naxariisto intaa ka dib dilalku waxay ka kala dheceen degmada Dhoqoshay oo nin ku dhintay iyo tuulada Gumburlibaax oo dil ka dhacay labada dilna waxaa ku dhintay laba nin  labadii gacan ku dhiiglena waa la soo qabtay oo maamulka gobolka iyo ciidanka booliska oo markiiba ka hawl galay,dilka ka dhacay degmada Dhoqoshay wuxuu ka dhex dhacay laba nin oo ehel ah waan dil ficil shaydaan ka adeegay ka ka dhacay Gumbur-libaaxna wuxuu daba socday dilal hore oo deegaankaas ka dhacay oo laga heshiiyay  laakiin mar kasta way jiraan dad wax ma garato ah oo aanay nabaddu deeqin markaa labada gacan ku dhiigle waa la soo qabtay waxaa kale oo  jira dad  aanu ka so xidhnay Gumbur-libaax oo aanu usoo xidhnay dhacadada dilka ah baadhistiina way noo socota ”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay shaqaaqadii hore uga dhacday deegaanka Gumbur-libaax labadii beeloodba nabadii ay wada qaateen iyo go’aamadii lagu gaadhay waxa iska bedelay ee dilka dambe keenay,ayaa yidhi. “dilkaasi wuxuu daba socdaa shaqaaqadii hore ee ka dhacday deegaanka Gumbur-libaax waxaana jirtay in labadii beelood ee wax kala gaadheen in dawladdu dhex gashay oo gurmad wayn ka gashay in aan wax dambe dhicin isla markaana ay nabadda wada qaateen oo labada dhinacba odayaashoodu dhaarteen  laakiin hadana markasta dad aan nabadda iyo wanaagu aanu deeqin oo xume wadayaal ahi meelkasta way joogaan dilkan ninkii geystayna waanu haynaa oo ciidanku gacanta ayay ku soo dhigeen dad kale oo la xidhayna way jiraan baadhistii dhacdadaa dilka ahina way noo socotaa cid kasta oo baadhistu ay nala gashana waanu soo xidhayna.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay tallaabooyinka ay ka qaateen ka maamul ahaan dilka Gumbur-libaax ka dib ee ay nabad gelyada ku adkaynayaan,ayaa yidhi. “Imikadan (xalay) waxaa ila jooga oo aanu wada joognaa Gumbur-libaaxna igula sugan odayaashii labada dhinac caawana(xalay) waxay ku dhaarteen in ay meel uga soo wada jeedaan cid kasta oo nabad gelyda cadaw ku ah oo ay dawladda ku gacan siinayaan,waxaa kale oo ay odayaashu nagala shaqeeyeen soo daynta laba nin oo dilka Gumbur-libaax ka dhacay loo qafaashay oo caawa(xalay) nalagu soo wareejiyay iyagoo nabad qaba,waxaanan u sheegayaa cid kasta oo isku dayda in ay nabad gelyada waxyeelayso oo ay falal ammaan darro ku kacdo ama dhibaato ka dhex riddo dadka walaalaha ah ee deegaanka ku wada nool ee u hoggaansami wayda sharciga in aanu tallaabo adag oo dawladeed ka qaadi doono ,nabad gelyadana cidna u daba fadhiisan mayno qof iyo koox midna ka aqbali mayno in ay nabadgelyo darro ku kacdo maamul gobol ahaanna waxaa naga go’an in labadan beeloodna in ay nabad ku wada noolaadaan wixii dhacayna sharciga loo maro wax dambena aanay dhicin.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply