Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo ka Jawaabay Hadal ka soo Yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya

0
345

Makka  (Dawan)- Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa kulul uga jawaabay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Muqdisho Mr. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ku dooday inay dib-u-midowga Somaliland iyo Soomaaliya kala hortaagan yihiin  koox dan gaar ah lihi.

Wasiir Xaashi oo hadal ka jeediyey munaasibad lagu maamuusayey maalinta qarannimada Somaliland ee 26-ka June oo lagu qabtay magaalada barakaysan ee Makka ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya maalintii Salaasada ee toddobaadkan, waxa uu tilmaamay in ta Soomaali maanta kala ir-dhaysay ee laba qaran oo 27 sanno kala maqan ka dhigtay ay tahay colaaddii iyo aramidii ay ummadda Soomaaliyeed kala dhex dhigtay dawladdii kaligii taliska aheyd ee Siyaad Barre, waxaannu caddeeyey in 26-ka June tahay maalin qaranka Jamhuuriyadda Somaliland leeyahay oo aan sinaba loo illaawi karin.

“Waxa isugu keen beegmay laba munaasibadood oo waaweyn; munaasibadda ciiddal-fidrida iyo ta 26-ka June oo ah mid Somaliland taariikh ahaan ummad ahaanba u leedahay, waxaneynu areynay rag sheeganaya oo ina hor mar-marinaya, ummaddana maaha ummad taariikhdeeda illowda amase nacda, mana aha ummad taariikhdaas ka tagta, caano nin leeyahay soo lisayna ha sheegto. Soomaali waala gumeystay, waala qaybsaday, waanay kala tagtay, ciddii ugu horreysay ee calan heshayna Somaliland ayey aheyd ee ninkii caddaa [gumaystihii Ingiriiska] iska dirtay, cidda kuwa kale [Soomaaliya] u doodeysayna innaga ayay aheyd,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.
Waxa kaloo uu xusay in Somaliland xoraysay Soomaali oo dhan, maadaama ay tahay meeshii ugu horreysay ee calan Soomaali leedahay laga taago.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo ka jawaabayey hadallo ka soo yeedhay masuuliyiinta dawladda taagta daran ee Soomaaliya oo iska indho-tiray in Somaliland fure u ahayd xoriyad-qaadashadii Soomaalida koonfureed, waxa uu yidhi;  “Waxaynu aragnaa iyaga [Soomaaliya] oo ina sheegta, waxaanay yidhaahaan dhaqankeennii iyo taariikhdeennii ayaa la baabi’iyey. Waxa la yidha 13 nin oo SYL ah ayaa xorriyadda keenay, Soomaaliya oo dhanna innaga [Somaliland] ayaa xoreynay, jibbada iyo cadhadana innaga ayaa laheyn, suugaanta lagu ururiyeyna innaga ayaa laheyn, waana kii madaxweynaha Soomaaliya sheegayey, weliba nasiib-darro isaga oo magacyada qaarkood qaldaya oo uu kari waayey, innaga ayey ahaayeen, rag Somaliland ah ayey ahaayeen, ragii balweynayay ee Soomaaliyey toos lahaaye maantey curatay oo mataaneysay lahaaye. Suugaantii, maskaxdii iyo dhaqankii ummaddan ayey aheyd, kuwii isla doontay ee Soomaali isugeeyayna innaga ayey ahaayeen. Markii Farmaajo ka hadlayey qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland hadalkiisu weyd ayuu ahaa, waxana hadalkiisi ku jiray midnimada ummadda Soomaaliyeed koox baa kala heysa, waana nasiib-darro weyn in qiimeynta hoggaamiyahaasi salka ku heyso qiimeyntaas inoo muuqata.”

“Midnimada Soomaaliyeed waxa kala haya amase kala irdheeyey 27 sanno laba qaran ka dhigey oo maanta isagoo madaxweynihii Soomaaliya sheeganaya aannu maamulin Somaliland amase cag soo dhigi karin waxa ka dhigay wixii ka dhacay Soomaali dhexdeeda. Farmaajo inuu fahamsan yahay ayaan moodayey utuntii. aramidii, caddaalad-darradii iyo dulmigii Soomaali la dhex dhigay ee maamulkii dawladdii Siyaad Barre ee Farmaajo adeerkii sameeyey ayaa Soomaali kala haya, taasiayaana Soomaali kala irdheysay, koox dan lehna Soomaali ma kala irdheyn, ee hadduu u haysto kooxaha xilalka haya inay kala qaybiyeen, cidna may kala qaybiseene way isku butaaci lahayd, Soomaalina maanta waxay maraysaa marxalad ay is-garanba weydo oo aanay is-aqoon, ilaa 1991-kii dhashay iyo 1988-kii dhashay ee madfaca ku garaadsaday Soomaali waxba kama yaqaan,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo sharraxaad ka bixinayey sababaha keenay iyo cidda masuulka ka ahayd in Somaliland noqoto qaran iskii u taagan oo ka madaxbannaan Soomaaliya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply