Xukuumadda Somaliland oo Joojisay Fadhiyada Aan Caadiga Ahayn ee Goleyaasha Degaanka Qabsadaan

0
348

Hargeysa(Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inaan la ridi Karin Maayarrada magaalooyinka dalka, maadaama oo uu waddanku galayo xili kala guur ah oo loo diyaar-garoobayo doorashada madaxtooyada ee muddaysan daboyaaqada sannadkan.

 

Sidaasna waxa daboolka ka qaaday Wasiir Ku-xigeenka maamulka gobollada iyo degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Jaamac Cabdilaahi Biin,  waxaanu fariin u diray dhammaanba goleyaasha degaanka dalka oo  ku wargeliyay inay ka fogaadaan fadhiyada aan caadiga ahayn ee fowdadu ka dhalanayso.

Wasiir Jaamac Biin oo shalay xafiiskiisa ugu waramayay Wargeyska Dawan iyo Bulsho TV, waxa kale oo ka hadlay khilaafkii u dhaxeeyay Maayarka iyo Golaha degaanka Saylac, waxaanu sharci darro ku tilmaamay  inaanay xildhibaannadu sifo sharci ah u marin xilka qaadista Maayar Xuseen Iidle Barkhadle iyo xubinta ay sheegeen inay doorteen.

 

Jaamac C/laahi Biin,   oo   isagu  xubin ka ahaa guddi saddex Wasiir  ka koobnaa  oo loo xil-saaray   xalinta  khilaafka u dhexeeyay  maayarka iyo golaha degaanka Saylac,waxa uu sheegay in  markii weftiga wasiirrada ahaa ay Saylac tegeen kulamo ay la yeesheen Xildhibaannada  degaanka  Saylac, hase yeeshee  ay isku mari waayeen  in ay ku qanciyaan sidii ay arrintaasi uga laaban lahaayeen.

Iyadoo  xildhibaanadu  ay ku doodeen  in xil ka qaadista  maayar Xuseen Iidle Barkhadle   iyo doorashadda maayarka cusub  ay sharci tahay, halka gudiga wasiirrada ah ay  iyagna  ku doodeen in aanu fadhigaasi sharciga waafaqsanayn.

 

Jaamac C/laahi Biin, oo ka warbixinayay   doodii dhexmartay weftiga wasiirrada ah iyo Xildhibaannada Saylac  waxa uu yidhi “Wefti saddex wasiir  ah oo kala ahaa wasiirka Boosaha, wasiirka ciyaaraha iyo aniga ayaa tagnay Saylac, markii aanu wada hadalnay  waxa noo dhexeeyay  in ay  yidhaahdeen kuma qanacsanin.  Waxaanu ku nidhi  sharciyadu waxay u baahan tahay  wareegto wasiir ayaa taalay,   wasiiru-dawluhu waxba ka fasixi karro,  badhsaabku-na ma fasixi karro, waxaa idanka(ogolaanshaha) looga baahan yahay wasiirka arrimaha gudaha.  Xeer baa dalka u yaalla qeexan oo sheegaya    in wasiirka daakhiligu digreeto ku soo saarayo, wasiirku dalka kamuu maqnayn, Laascaanood ayuu joogay, waxaan u sheegnay Xildhibaannada  iyadoo aad sidaas u fadhiisateen sharciyadu waxay qoraysaa  in hab sharci la maro, habka la maraana uu yahay in warqad  shaanbadaysan la soo qoro.

Waxaa  ku xiga in haddii muddo shan  malmood ah  uu maayarku diido  in uu  fadhiisiyo in  ay  badhasaabka gobolka u keenaan warqad sababaysan,   una soo dirtaan wasaaradda daakhiliga.  Wasaaradda  anigaa joogay, maamulka gobollada iyo degmooyinku waa aniga,  wasiiru-dawlaha amniga ma khusayso, anigana xafiiskayga lama keenin waraaqdii sababaysnayd, wasiirku-na ma joogin,  waraaq sababaysan oo ay nimankaasi soo direena ma jirto,  sharciyadii ayaana qabatay, waxaanay yidhaadheen sidaas ma aqbalayno.”

 

Isagoo ka hadlayay waxa ay ku heshiiyeen Xildhibaannada waxa uu yidhi “Waxaanu ku heshiinay in aanay magaaladda fawdo gelin, in aanay kolba odhan waan is-xidhaynaa,  mar walba  iyagaa saldhiga   tegayay oo lahaa haddii la noo diiday in aanu dawladii hoose maayar ka noqono waxaanu tegaynaa saldhiga.

Marna waxay galeen xarunta dawladda hoose ee Saylac oo booliska ayaa xoog kaga saaray. Waxaan u sheegnay Xildhibaannada haddii aad sharciyadda wax ka qabtaan annagu sharciyad maayarka hadda xilka lagaga qaado ma haynee,  maxkamadda ayaa tafsiirka haysee tagga. Taasina nin qudha  oo Xildhibaannada Saylac ka tirsan ayaa   diiday, kaasi oo aanu xidhnay waayo wuxuu galay fal danbiyeed, laakiin markii danbe waa la sii daayay.”

 

Jaamac Biin, wuxuu sheegay   in xildhibaanadii Saylac ay  hadda joogaan Hargaysa, isla markaana ay  maxkmadda ka sugayaan tafsiirka sharci ee dacwadooda;   “Xildhibaannadii halkan (Hargaysa) ayay joogaan,  oo sharciyadiii ayay sugayaan oo fasax  ayay  ku  jireen.  Annagu guddi ahaan waxaanu u sheegnay Xildhibaannada in aanay arrinta doorashadoodda waxba ka jirin, laakiin iyagu waxay yidhaahdeen  maxkamadda ayaanu tegaynaa.

Annaguna (Guddida Wasiirrada)  ma odhan karno ha tegina maxkamadda. Maamulkii dawladda hoose ee Saylac wuu shaqaynayaa,  xayiraadiina waa laga qaaday,  si toos ah ayayna u shaqaynaysaa,  waana magaallo maayarkeedii hore  ka shaqaynayo.  Haddii 17-ka xildhibaan ee golaha degaanka Saylac-ba ay fadhiistaan,  oo ay sharci darro ku fadhiistaan,  oo aanay qaynuunkii fasaxayay ku fadhiisan waa qalad. Markii ay golaha degaanka Saylac fadhiga yeesheen ee ay maayarka cusub sharci daradda ku doorteen.

 

Wasiirka  daakhiligu wuu maqnaa, anigoo ah wasiir ku xigeenkii goboladda iyo degmooyinka-na iimay keenin warqadii ogolaanshiyaha, Maxamed Muuse  Diiriye  (wasiiru-dawlaha amniga wasaaradda arrimaha gudaha)  ayaa na fasaxay ayay yidhaahdeen,  wax waraaq ah oo ay u soo gudbiyeena ma jirto, isagu-na  is-laax ayuu arkayay  haddii  uu ku yidhi fadhiista, haddii aad dhan tihiin   malaha hadalkaaga ku fadhiisan maayaan oo adigu ma xukuntid ayuu is-lahaa, waxaanu  ku yidhi waxba kama qabo wixii sharciga  waafaqsan.”

 

 

Geesta kalena  Wasiir  ku xigeenku waxa uu  fariin u diray  dhamaanba goleyaasha degaanka dalka oo uu ugu baaqay  in aanay samayn Karin   fadhiyo ay xilalka kaga qaadayaan maayaradda, maadaama oo ay weli taagan tahay  digreetadii uu wasiirka  daakhiligu ku joojiyay fadhiyadda aan caadiga ahayn, waxaannu yidhi, “Waxaan  maanta fariin u dirayaa  dhammaanba goleyaasha degaanka dalka, oo aan leeyahay dalku fawdo ma rabbo,  maayarrada magaalooyinka  Hargaysa, mid Burco, mid Boorama iyo mid Ceel-afweyntoo-na  lama ridi karo, digreeto ayaa ka  taalla,  sharciyadda ayaana la marayaa,  Wasiirka Daakhiliguna in uu digreeto soo saaro  waxa u ogolaanaya xeer.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply