Macalimiin Khiyaamo Qaran ka Galay Dalka oo Lagu Xidhay Berbera

0
324

Berbera (Dawan)- Wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Somaliland  ayaa sheegtay in shalay magaaladda Berbera lagu xidhay laba macalin oo ilaalinayay  dugsi uu ka socday imtixaanka shahaadiga ah  oo maalintii saddexaad ka socda gobollada iyo degmooyinka dalka.

 

Wasiirka waxbarashadda Somaliland C/laahi Ibraahim Habane (C/laahi dheere), oo ka hadlay sababta xadhiga macalimiintaas ayaa sheegay in saddex macalin oo ka mid ahaa ilaaladda imtixaanka dugsi dhexe oo Berbera ku yaalla  ay ardayda lacag ka urursadeen, kadibna inta imtixaankii ay sawireen bannaanka lagaga soo shaqeeyay.

 

Waxa uu xusay wasiirku in macalimiintaasi laba ka mid ah la  qabtay iyagoo doonayay in ay si qarsoodi ah ardayda ugu soo gudbiyaan waraaqihi laga soo shaqeeyay, halka kii saddexaadna la raadinayo

Wasiirka oo sida ay wax u dhaceen ka warbixinayay waxa uu yidhi “Maanta (shalay)  waxaa Berbera  ka dhacay, markii la gelayay maadadii diinta ama tarbiyadda  in  WhatsApp (mobil)  lagu sawiray oo la diray,  3  macalin ayaa ka shaqeeyay.Saddexdaas macalin waxay ku qornaayeen dugsiga dhexe imtixaanka ka socday in ay ilaaliyaan,  ardayda ayay dhex galeen, kadibna waxay ku yidhaahdeen guddoomiyaha waxbarashadu wuu idin saaqidinayaa, wasaaradu way idin  saaqidinaysaa,  goob heblaayo waa laga eeganayaa,  lacagta soo ururiya, annagaa idinla shaqaynayna,  lacag kun dollar ($1000) ku dhaw ayay ardaydii ka qaadeen.”

 

“Dabadeed-na waa loo sawiray oo way ka soo shaqeeyeen, kii u horeeyay isagoo  daaqadda fasalkii dugsiga  imtixaanku ka socday ka soo gelinaya ayaa la qabtay,  kii labaad  ayaa isna isku deyay in uu daaqadda ka soo geliyo, waa la arkay oo waa la eryaday,  kadibna waa la qabtay. Imika laba macalin ayaa la hayaa oo xabsiga ku jirra, kii saddexaad-na waa la raadinayaa.”ayuu yidhi wasiirku. Isagoo ka hadlayay tallaabadda laga qaadi doono macalimiinta falkan ku kacay waxa uu yidhi “Jeelka weyn ayaa loo dhaadhicinayaa, sharciga ayaana la horkeenayaa. Waa fal danbiyeed abaabulan oo qorshaysan oo caruurta lagu majarro habaabinayo, oo mustaqbalkooda lagu seejinayo. Nin macalin ah oo halkii uu caruurta wax uga dhigi lahaa anaa idiinka soo shaqaynayee lacag ii ururiya leh, waxaas oo kale hore umaynaan arag.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply