Somaliland Iyo Imaaraadka Carabta oo Kala Saxeexay Heshiis Lagu Xoojinayo Iskaashiga Labada Dal

0
403

Hargeysa(Dawan)- Dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka carabta, ayaa kala saxeexday heshiis kale oo la xidhiidha sii xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha. Waxa heshiiskan cusub oo shalay lagu kala saxeexday dalka imaaraadka carabta, ku jira dhismaha waddada isku xidha Dekedda Berbera iyo magaalada  Wajaale ee xadka Somaliland iyo Itoobiya.Heshiiskan waxa uu dabo socdaa fulinta heshiisyadii hore ee labada dhinac kala saxeexdeen, waxa kaloo ay dawladda Imaaraadku dhisaysaa dhismaha madaar cusub oo laga hirgelin doono magaalo xeebeeda Berbera. Wasiirka Arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa u saxeexay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana goob joog ka ahaa Wasiirro booqasho shaqo ku jooga waddankaas oo kala ahaa Wasiirrada Madaxtooyadda, Maaliyadda, Qorshaynta qaranka iyo Duulista iyo Hawadda. Somaliland waxay hore ula saxeexatay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta heshiis ay ku baxayso $442 Milyan oo doolar oo la xidhiidha  casriyaynta iyo ballaadhinta dekedda Berbera. Waxa kaloo xukuumadda Somaliland saldhig millatari ka siisay dawladda Imaaraadka magaalada Berbera. Cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal ayaa sii xoogaysanayay sannadihii la soo dhaafay, tan iyo markii xukuumadda Somaliland ay waddankaasi u magacowday danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply