Madaxweynaha dowladda taagta daran ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ka hadlayay xuskii kowda July, waxa uu isku dayay inuu marin habaabiyo taariikh cad oo meel kasta taal. Waxa uu ka been sheegay Alle ha u naxariistii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo la og yahay halka uu ka taagnaa madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland horeyso iyo danbaysaba, isaga oo farmaajo ku tiraabay hadal uu leeyahay Marxuum- Cigaal baa sheegay oo ah in aaney kala maarmeyn Soomaali oo mar uun la isku iman doono. Malaa waxa ay ka aheyd cid ayaad ku beer laxawsan kartaaye khudbadda ku darso!
Waxa aan leenahay Farmaajo been ma sheegto taariikhdu, ma bukooto taariikhdu , mana baqato taariikhdu. Waxa caddaaan ah in Faramaajo ka hadlay marjac khaldan oo loo soo dhiibay oo waliba ninka uu ka dhigtay Wasiirka Khaarajiga Yuusuf Garaad oo malaha wax is bidayay u soo laqimay ee ka shaqeyn jirey laanta afsoomaaliga ee BBC-da uu si khaldan ugu dhigay hadal aan la hayn meel uu raad ku leeyahay.
Waxa la og yahay taariikhda ALLE ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum- Cigaal oo la hayo tan iyo xiligii Ingiriiska waxa uu ka aaminsanaa midnimo lala galo koofur oo uu waxyaabo badan uga soo joogay, mana aha mid si fudud loo qalqaloocin karo.
Waxa jirtey oo laga hayaa inuu yidhi “Waar nimankaa aan is baranee lix bilood inoo kaadiya” balse aan laga dhegaysan, waana la og yahay wixii ka dhacay taariikhdaa wixii ka dambeeyay.
Waxa kale oo diiwaanka ku yaal hadallo badan oo Marxuum Cigaal ka yidhi fagaareyaal kala duwan oo muujinaya mowqifkiisa madax-bannaanidu halkii uu taagnaa iyo sidii uu ugu adkaa.
Haddaan qaar ka soo qaadanno waxa ka mid ahaa mar Soomaali la iskugu keenay Addis ababa shir ka dhacayay oo uu halkaa ka caddeeyay mowqifkiisa ayaa rag fadhiyay isku dayeen in ay qalindaaraan si uu hadalka ugu margado waxaaney is la taageen oo kor u qaadeen heestii aheyd Soomaaliyeey toosoo isku tiirsada.” Hase yeeshee waxa la yidhi geesi ma gaagaxee si cad ayuu isaga oo aan keyr-keyrin waxa uu ugu jawaabay; “Heestaasi macaani halkii ay damqi jirtay idinka ayaa jaray.” Waaba loo soo joogay maalintaasi wixii halkaa ka dhacay, waxayna noqotay maalintaasi wixii halkaasi ka dhacay qudhaanjooy ku quuso.
Mar kale Cigaal isaga oo ka hadlayay Baarlamaanka Somaliland xiligii uu madaxweynaha ka ahaa dalka, waxa uu si aan gabbasho lahayn u caddeeyay sida aan mar danbe la iskugu soo noqon doonin, isaga oo yidhi “Wixii laga goostay aniga ayay iga buuxaan oo u soo joogay, haddiiba ay dhacdo Ilaahay kama dhigee in mar danbe la is hungureeyo, ma ahi nin joogayee dalkaba waan ka haajirayaa.”
Haddaba ninka laga hayo hadallada noocaas ah iyo kuwo badan oo kale oo ka sii adag, waxa la yaab leh in nin shalay loo soo cumaamadey oo aan waxba ka ogeyn taaariikhdii dalkii la isku odhan jirey Soomaaliya horeyso iyo danbeysaba inuu aayar iska yidhaa sidaa ayuu yidhi hebel, taas oo ah mid aan waxba ka jirin.
Farmaajo waxa uu ka dhigan yahay dhidarkii onkodku kiciyay, waana wax iska caado noqday in kolba kii la keeno Muqdisho isaga oo Afrikaan ku ilaalinayaa inuu haddana ku hadaaqo hadallo hadal tiro ah isaga oo aan xaalaynayba waxa loo diray.
Waxa aan Farmaajo leenahay niman yahow kala quusanee qoomamo la’aada. Horaa loo yidhi, Been ma sheegto taariikhdu ma bukooto taariikhdu, mana baqato taariikhdu. Waxba kolba ha ku xoqanina hadal aan idiin noqoneyn beer jileec ee ku foofa dantiinna.
Dawannews Hargeysa office