Hargeysa (Dawan): Agaasimaha cusub ee wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta jamhuuriaydda Somaliland Xasan Cumar Hoori ayaa shalay xilkii kala wareegay agaasimihi hore ee wasaaradaasi Axmed Abokor.
Munaasibadii ay labada agaasime xilalka kula kala wareegayeen oo ka dhacday xarunta wasaarada warfaafinta iyo wacyigalinta, waxaa ka soo qayb galay wasiirul dawlaha wasaarada warfaafinta, maareeyaha Tv-ga qaranka, shaqaale weynaha qaybaha kala duwan ee wasaarada warfaafinta iyo marti sharaf kale.
Wasiiru-dawlaha wasaarada warfaafinta Maxamed Axmed Aadan, oo xafladii ay labada agaasime xilka kula kala wareegayeen ka hadlay ayaa ku tilmaamay agaasime Xasan Cumar Hoori in uu yahay shakhsi taariikh weyn ku leh wasaaradda warfaafinta.
“Agaasimahani waa nin taariikh ku leh wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta mudo bada-na u soo shaqaynayay, waxaananu leenahay agaasime soo dhawoow, guri-gaagi ayaad ku soo noqotay”ayuu yidhi wasiiru-dawlaha warfaafinta.
Agaasimihii hore ee wasaarada warfaafinta oo Axmed Abokor, oo haatan loo bedelay agaasimaha wasaaradda waxbarashadda oo munaasibada ka hadlay ayaa agaasimaha cusub u soo jeediyay inuu si isku mid ah ugu cadaalad fallo shaqaalaha oo aanu kala jecleysan.
Waxaanu yidhi “Agaasime waxaa halkan ka hawl-gala shaqaale dhan todoba boqol oo qof oo duruufahoodu kala duwan yihiin oo qaarkood habeenkii oo dhan ay soo jeedeen, qaarkood fanaaniin yihiin, waxay u baahan tahay markaa deganaanshiyo iyo in aanad u kala eexanin.
Wasaaradu-na waa wasaarad balaadhan oo ah halka ubaxeedii iyo mustaqbalkeedii laga soo saarayay waanan uga mahad naqayaa waraaqdii uu igu magacaabay madaxweynuhu, waxaana ku qornaa saddex eray oo ahaa markaan arkay kartidiisa, markaan arkay huf-naantiisa iyo daacadnimadaada.
Dhab ahaan wasaaradda hadda la ii magacaabay, waa masuuliyad aad iyo aad u culus, waxaanan balan qaadayaa in aan si daacadnimo ah qaranka iyo bulshadaba ugu adeegi doono”.
Agaasimaha cusub ee wasaarada warfaafinta Xasan Cumar Hoori, oo isna hadal ka jeediyay munaasidda uu xilka kula wareegayay ayaa ka marag kacay in wasaaradu ay ku talaabsatay horumar balaadhan oo dhinacyo badan ah, marka la bar-bar dhigo dhawr iyo toban sanadood ka hor mar uu agaasime ka ahaa.
“Waxaan ka tegay iyadoo Af-Soomaali keliya ku hadasha radio Hargeisa, waxaanay imika ku hadashaa Ingiriisi, Carabi iyo Amxaari, afartaa luuqadood. Waxaanu noqon doona dad walaalo ah oo wada tashada habeen iyo maalina wada jooga, hawlaha wixii hadhsa-na halkay taagan yihiin ayaan ka sii bilaabi doona”.
Sidoo kale waxaa munaasibadaasi iyag-na hadallo ka jeediyay maareeyaha Tv-ga qaranka Khadar Maxamed Cakuule, wariyaha caanka ah Yoonis Cali Nuur iyo masuuliyiin kale.
Gebagabadiina wasiiru-dawlaha wasaaradda warfaafinta Maxamed Axmed Aadan, ayaa si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyay agaasimaha cusub iyo agaasimihii hore.
Dawannews Hargeysa office