Qaybinta Kaadhka Codbixiyeyaasha oo ka Bilaabmay Gobollada Maroodijeex iyo Togdheer

0
383

Hargaysa (Dawan)- Qaybtin   Kaadhadhka Codbixiyeyaasha  Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmaysa Gobollada Maroodijeex iyo Togdheer.  Iyadoo xaflado  lagu  shaacinayay  bilawga  qaadashadda kaadhka codbixiyaha  Khamiistii doraad lagu  qabtay magaalooyinka Burco iyo Hargaysa.

Munaasibadda Hargaysa lagu qabtay waxaa si rasmi ah u furay madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku-simaah madaxweynaha, iyadoo uu goob joog ka ahaa guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka iyo xubno ka socday saddexda xisbi qaran.

Halka xafladda Khamiistii eek a dhacday magaaladda Burco ay ka qayb galeen musharixiinta madaxweyne ee xisbiyadda Waddani iyo Kulmiye iyo sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga UCID iyo xubno wasiirro ah.

Tiradda  guud   ee goobaha gobolka  Togdheer  laga qaadanayo  kadhadhka  ayaa lagu sheegay  222 goobood.   Halka gobolka Maroodijeex ay  isna tiradda goobaha laga qaadanayo kaadhadhka tahay   342 goobood, sida ay sheegeen komishanka doorashooyinku.

Qaadashadda Kaadhka Codbixinta ayaa goboladaasi ka socon doona muddo 7 maalmood ah wejiga hore  oo ka bilaabmaysa maanta oo ay bisha July tahay 8   socona doonta  ilaa 14-ka bishan  July,  iyadoo ka dibna la yarayn doono tiradda goobaha   si fursad loo siiyo dadkii aanay u suurtogelin inay kaadhadhka qaataan wejigii  hore.

Kaadhka codbixinta oo uu xaq u leeyahay in uu qaato qof kastoo muwaadin reer Somaliland ah ayaa  la siinayaa dadkii hore isku diiwaangeliyey ee qaatay ama haysta warqada diiwaangelinta.

Gobolka Maroodi Jeex waxay qaadashadda kaadhka codbixiyuhu tiradoodu tahay 342 goobood oo ku kala yaalla afarta degmo doorasho ee gobolka Maroodi Jeex, oo kala ah degmadda Hargeysa, degmada Gabiley, degmadda Salaxley iyo degmadda Baligubadle.

Gudaha degmadda Hargeysa waxaa kaadhka codbixinta laga qaadan doonaa 218 goobood, Gabiley 73 goobood, Salaxley 28 goobood iyo degmadda Baligubadle oo ah 27 goobood.

Gobolka Togdheer ayay isna bixinta kaadhka codbixiyaha ka qabsoomi doontaa saddexda degmo doorasho ee gobolkaasi uu ka kooban yahay  oo kala ah, degmadda Burco, degmadda Buuhoodle iyo degmada Oodweyne.

Tiradda goobaha kaadh bixinta  ee degmadda  Burco ayaa lagu sheegay  55 goobood,  iyadoo si la  mid ah sidii goboladii ay hore uga soo qabsoontay qaadashadda kaadhka codbixinta ay wejiga hore goobahaasi ka socon doonto 7 maalmood.

Qaadashadda   kaadhka codbixiyaha ee Somaliland ayaa hore looga soo qabtay Gobollada Awdal iyo Saaxil, halka maanta ay si rasmiya uga bilaabmayso Gobollada Togdheer iyo Maroodi Jeex. Waxaana la filayaa  in  marka   goboladan la soo gebagabeeyo laga bilaabi doono labada gobol  ee Sool iyo Sanaag.

Geesta kale, kaadhka codbixinta  ayaa loo ogol yahay  in uu qaato ama la siiyo qofkastoo muwaadin reer Somaliland ah oo gaadhay da’da codaynta, waaxaana   la filayaa in lagu codayn dooono doorashadda madaxtooyadda ee la qorsheeyay in ay dalka ka dhacdo 13-ka bisha November ee sanadkan 2017-ka.

Dhinaca kale bulshadda ku nool Gobollada   Maroodi Jeex iyo Togdheer ayaa dhaliilsan, isla markaana saluug   ka muujiyay wacyigelinta oo aad u hoosaysa, iyadoo laga dareemayo in aanay wacyigelintu gaadhsiisnayn ama loo fulin sidii la rabay.

Wacyigelinta qaadashadda kaadhka codbixiyaha ee Gobollada Togdheer iyo Maroodijeex  oo bilaabantay todobaadkii hore, waxaa fulinaya oo ay komishanka doorashooyinku siiyeen ururo maxali ah, kuwaas oo lagu eedeeyay  in ay ka gaabiyeen   hawshoodii oo aanay xataa degaamadda qaarkood  gaadhsiinin wacyigelinta.

Waxaanay dadweynaha gobolada ay ka bilaabantay bixinta kaadhka si weyn isku waydiinayaan waxa sababay wacyigelin la’aanta jirta, taas oo keentay in aanay qaybo badan oo ka mid ah bulshadda labadan gobol ka war-qabin bilawga kaadhadhka.

Habac-sanaanta dhanka wacyigelinta ee jirta ayaa keeni karta hoos u dhac ku yimaadda tiradda la filayay in ay qaataan kaadhka codbixinta, maadaama oo aanay helin wax wacyigelin ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply