Ciidammada Dab-damiska ee Saddex Magaalo oo Tababar Loo Furay

0
397

Hargeysa (Dawan)- Taliska Guud ee Ciidanka Dab-damiska Somaliland,ayaa  ciidanka  Dab-damiska qaranka ee magaalooyinka Hargeysa,Burco iyo Wajaale u bilaabay tababar ku saabsan sidii ay u baran lahaayen xumbada dabka lagula dagaalamo adeegsideeda.

 

Tababarka  ciidanka  dab-damiska  magaalooyinka Hargeysa, Wajaale Iyo Burco loo bilaabay oo ay bxinayaan madaxda taliska Guud ee ciidanka dab-damiska waxaana lagu barayaa siyaabaha dabka loola dagaalamo iyo adeegsiyada xumbada dabka lagu bakhtiiyo ee loo yaqaan Fuunta

 

 

Tababarkan  oo ay  bixinayaan  Maamulka Sare ee Ciidanka Dab-demiska Qaranka, Taliyaha Ciidanka ,ayaa waxaa ka hadlay Gaashaanle sare  Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, Taliye Xigeenka Cabdixamiid Faarax Iidle,

 

Taliye xigeenka Ciidanka Dab-demiska oo faah faahn ka bixiyay nooca tababarka ay ciidanka sadexdaa magaalo siiyeen ayaa sheegay in a qaadanayaan aqoontii looga baahnaa in ay lahaadaan ciidanka Dab-damisku  si ay u noqdaan dab damiyeyaal,waxaanu ku dardaaray inay bulshada ugu adeegaan aqoonta ay baranayaan dufcaddan oo ah dufcaddii afraad ee tababar noocan ah qaadata ee ka tirsan ciidanka Dab-damiska Somaliland.

 

Taliyaha Guud ee Ciidanka Dab-demiska ayaa isna dhankiisa sharaxaad badan ka bixiyay qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay xumbadu waxaanu taliyuhu sheegay inay ka koobantahay laba qaybood isla markaana marka dab lagu isticmaalayo marka hore la sameeyo qiimeyn inay ku filantahay xumbadu dabka iyo inaanay ku filnayn marka taa la ogaado  ayaana  la isticmaali karaa. sidoo kale taliyuhu wuxuu sheegay in marka la tijaabinayo xumbada dabka lagula dagaalamo inay tahay mid fiican iyo inay tahay mid xun waxaa lagu kala ogaan karaa waxaa lagu tijaabinayaa meel cidlo ah isla marka ay kala baxdo biyaha iyo xumbadu ayaa xumbada xumina kala baxeedu degdegayaa ta kale ee wanaagsanina ay raagaysaa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply