Muqdisho(Dawan)- Dawladda maqaar-saarka ah ee Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho, oo caaddaysatay gardarooyin joogto noqday oo ay ku hayso Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay inaan dastuurkooda ku meel-gaadhka ah aanay afti dadweyne u qaadi doonin illaa ay ku soo biirayso Somaliland wax ay ugu yeedheen nidaamka federaalka ee dalalka shisheeye u yabyabeen.
Wasiirka Dastuurka ee dawladda Muqdisho, C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa shalay sheegay in aan dastuurkooda federaalka aanay afti u qaadaynin ilaa ay sida uu carabaabey Somaliland ku soo biirayso, waxaannu ku tiraabay; “Dastuurka waa in afti loo qaadaa, labo sanno gudahood si uu xalaal u noqdo, in Ammaanku noo ogolaan waayo, waa laga yaabaa, haddii Amniga noo ogolaadana, tan siyaasiyada ayaa iyana caqabad ah, maxaa yeelay Somaliland oo ka maqan sheeko qarameedkan Afti lama gelin karo Dastuurka.”
Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Haddii Somaliland aftida ka qeyb-qaadan, waxay u muuqaneynaa inaan leenahay waannu idinka maaranay(Somaliland), marka waa inay daaqadu furnaato, si Federaalkan socda ay ugu soo qeyb geli lahaayeen Somaliland.”
Dadka siyaasadda faaleeya ayaa hadalka ka soo yeedhay Soomaaliya ku tilmaamay mid tusmaynaya inay yihiin dal guuldaraystay, waxaanay ku sababeeyeen doodooda waddanka aan lahayn dastuur la xalaaleeyay inay ka dhigan tahay inaanay dawladnimadoodu xiddid lahayn.
Xukuumadda Somaliland wali kamay hadalka Wasiirkan, waxase ay hore u sheegtay inay Jamhuuriyadda Somaliland waligeed ka mid noqon maamul goboleedyada oomaaliya, waxaanay sheegashadooda ku macnaysay riyo maalmeed ka turjumaysa xigmad darrada siyaasadeed ee masuuliyiinta Soomaaliya.
Daan-daansiga siyaasiga ah ee Soomaaliya la daba-joogto Somaliland, waxa uu sii xoogaystay tan iyo muddadii la doortay Madaxweyne Farmaajo, 8-dii Feberwari ee sannadkan, waxaannu qabatimay khudbad kasta uu ku soo qaado Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay hadaaqooda soo degdejin karaa in Somaliland ka baxdo wadahadalkii ay kula jirtay oo markii horeba aan cago adag ku taagnayn.
Dawannews Hargeysa office