Shaqaaqooyin ka Dhacay Agagaarka Masjidul Aqsa

0
385

Ciidanka Israa’iil iyo Falastiiniyiin ayaa isku dhacay bariga Quddus iyo daanta galbeed ee la haysto, waxaana la isku hayo goob barakaysan oo ku taalla Quddus.

Biyo sida gantaal oo kale ah iyo gaaska dadka ka ilmaysiiya ayaa la riday ka dib markii qolooyin banaan baxayey ay dhagxaan iyo waxyaabo kale ka soo tuureen dibadda gidaarrada magaalada qadiimka ah, sida uu boolisku sheegay.

Qof Falastiini ah oo dhallinyaro ah ayaa la sheegay in toogasho lagu dilay meel aan ka fogayn, mana cadda waxa dilka keenay.

Dareen kacsan ayaa jiray tan iyo markii Jimcihii hore  laba askari oo Israa’iiliyiin ah la dilay.

Ururrada falastiiniyiinta ayaa ku baaqay maalin kharbudaad ah Jimcaha, ayagoo ka mudaaharaadaya Israa’iil oo soo dhigtay halka goobta barakaysan laga galo qalabka hubka lagu baadho.

Falastiiniyiinta iyo hogaamiyeyaasha Islaamka ayaa si kulul uga hor yimid tallaabadaas, waxayna sheegeen inay xad gudub ku tahay qaabka loo wada nool yahay.

Kumanaan boolis ah ayaa la geeyey agagaarka masjidka al Aqsa iyo Xaramal Shariif aroornimadii Jimcaha, waxaana laga mamnuucay ragga falastiiniyiinta ah ee da’doodu ka yar tahay 50 sano inay galaan qaybta qadiimka ah ee magaalada.

Rabshado ayaa iyana laga soo sheegay bar koontarool oo ku taalla meel u dhaxaysa Ramallah iyo Quddus, iyo dhanka waqooyi ee laga soo galo Beytu-laxam.

Laanqayrta cas waxay sheegtay in tiro ka badan 60 Falastiiniyiin ah ay waxyeello ka soo gaadhay rabshadihii ka dhacay Quddus, kuwaasoo 31 ka mid ah isbitaallada loo qaaday.

 

Leave a Reply