Wasiirka Warfaafinta oo Madal Ilyartu is-qabatay BBC-da ku Canaantay Dheelitir La’aanta Wararkooda

0
361

Hargeysa(Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda  Somaliland, Md.  Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani),  ayaa  u soo jeediyay laanta afka Soomaaliga ee idaacada BBC-da  in ay caddeeyaan in Somaliland tahay Jamhuuriyad   Madax-bannaan oo iskeed isku taagtay, isla markaana ay soo celiyaan siyaasadii dhexdhexaadka ahayd ee ay hore ugu shaqeyn jireen.

 

 

Wasiirka Warfaafintu  wuxuu ka taariikheeyay in muddo toddobaatan sanno ah uu  xidhiidh qoto-dheeri ka dhaxeeyey    Somaliland iyo Ingiriiska,  waxaannu xusay in ay rajo weyn ka qabaan sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhkaas   labada dawladood.

Waxa kaloo  uu   ku dooday in wararka laanta afsoomaaligu xilligan yihiin qaar dhinac ka raran.

Md. Caddaani  wuxuu sidaas  ku  sheegay hadal uu ka jeediyay  munaasibad lagu qabtay Huteelka Hiddo-dhowr ee magaalada Hargysa oo lagu   xusayey sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii laanta afsoomaaliga ee BBC-da.  “Jamhuuriyadda Somaliland oo ahayd maxmiyaddii Ingiriiska muddo 70 sanno ah  waxa ka dhaxeeya Ingiriiska iyo Somaliland xidhiidh qotodheer. sidaas awgeed, waxaannu rajo ka qabnay,  walina ka qabnaa sidii   loo sii  xoojin lahaa   xidhiidhkaa  labada dhinacba.

Si rasmi ah  ayaan cabasho ugu gudbinay  laanta  afka Soomaaliga ee  BBC-da   iyo madaxda   xukuntaba,sababta aannu ugu  gudbinayna waxa weeye BBC-dii  dhexda   ahaan jirtay  ee dadka af Soomaaliga ku hadla dhexda u ahaan jirtay in ay tahay mid dhinac baryhan danbe u janjeedha. meel gaara ayuu warkeedu ku salaysan yahay illaa intii Somaliland lagu dhawaaqay arrintaa si gaar ah ayaan uga wadahadalnay BBC-da meelna wax baanu isla dhignay,”ayuu yidhi Md. Caddaani.

Waxa kaloo uu intaas ku daray inuu rajaynayo in BBC-du fuliso heshiiskii ay isku waafaqeen dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu yidhi;    “Waxaan idinka  rajaynaynaa ummadda Jamhuuriyadda Somaliland 27 sanno ayay ahayd dal madax-bannaan  oo xor ah oo Soomaaliya  shuqul ku lahayn ayay ahayd, waxaannu nahay  dal madax-bannaan  oo xor ah  oo danaheeda iyo maamulkooda iyagu masuul ka ah.waxaannu jecel nahay   hadallada badan ee wariye si u sheegayo in la caddeeyo oo la ogaado in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal madax-bannaan oo iskeed isku taagay, cidna aan u dabo fadhiisanayn xornimada ay Somaliland  gaadhay.  BBC-da  waxaaannu ka codsanaynaa  in ay u sheegaan siday tahay   dalka Jamhuuriyad  Somaliland.”

Dawannews Haregysa office

Leave a Reply