Duulimaayada oo ka Tiro Batay Hawada Ingiriiska

0
339

Jimcaha ayaa noqday maalintii hawada Ingiriiska ay ugu saxmadda badnayd, qolyaha dayaaradaha hagana waxay sheegayaan in aysanba jiri doonin meel u banaan in dayaarado kale ay ku duulaan.

 

Waxay ku baaqeen in degdeg loo casriyeeyo hagidda dayaaradaha hawada UK.

Arrintan ayaa timid iyadoo xukuuumaddu ay bilaabayso in laga doodo qaabka uu yeelanayo hanaanka duullimaadyada ee UK 30 ka sano ee soo socda.

Qolyaha dayaaradaha haga waxay filayaan inay hagi doonaan 770,000 oo duullimaad xagaagan, tiradaas oo 40,000 ka badan tii sannadkii hore.

Waaxda gaadiidka waxay sheegaysaa haddii maamulka hawada aan wax laga beddelin in qiyaastii 3,100 maalmood oo dib u dhac duullimaadyo u dhigma ah ay dhici doonaan wixii loo gaadho 2030.

Taasi waxay 50 jeer ka badan tahay dib u dhacyadii duullimaadyada ee 2015 oo ahaa ilaa 8,000 oo duullimaad.

tacaalayo

Xukuumaddu waxay doonaysaa in dadweynuhu soo gudbiyaan fikrado ay ka dhiibtaan mowduucyo badan oo isugu jira sida xaraynta alaabta xamuulka ah oo bartamaha magaalada lagu soo xaraysto ilaa iyo dhawaaqa dayaaradaha oo la yareeyo.

Leave a Reply