Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Xisbiyada ugu Baaqay Inay Xurmeeyaan Shuruucda Doorashooyinka

0
367

Hargaysa(Dawan)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda   Somaliland, Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ugu baaqay saddexda xisbi qaran in ay ilaaliyaan sharciga dalka u yaalla,    una hoggaansamaan  xeerarka doorashooyinka.

Prof. Aadan waxa  uu sheegay in qaranka Somaliland ka  ballaadhan yahay saddexda murrashax ee u tartamaya hoggaanka dalka,waxaanu  u soo jeediyay    shacabka in ay ilaashadaan qaranimada iyo nabadgelyada isla markaana   la ixtiraamo dastuurka  u yaalla dalka.

“Markii doorashooyinku dib u dhaceen waxa la isla yimid maxkamadda sare maxkamadda ayaana goysay wakhtiga doorashadda madaxtooyadu qabsoomayso,markii abaaruhu dhaceenna  waanu furnay imikana isha ayaannu ku haynaa siday wax u socdaan, waayo maxkamadda sare waa halkii waddanka ugu saraysay xaga sharciga,waxaana ugu baaqaynaa  dhammaan cid kastoo ay khusayso oo ay ugu horreeyaan xisbiyadu inay sharciga u hoggaansamaan  oo xeerarka doorashooyinka u hogaansanaadaan  oo aanay  xayndaabka sharciga ka bixin. komishanka doorashooyinku waxay sheegeen in sharcigii laga baxay,   sharciga ayaa wax lagu yahay  haddii sharciga la iskala   baxo  waxba  ma soconayaan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo u waramay Suxufiga caanka ah ee Faysal Fadh-fadhle oo ka tirsan Telefishanka Universal.

 

Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray; “Guddida  doorashooyinka waannu  wada  shaqaynaa   waanan   garab taaganahay  waddanku  xaalad   kala guur ah ayaa lagu   jiraa,    waana in ay waddanka ay ka dhacdo doorasho xalaal ahi.waxaana dadka reer Somaliland ugu baaqayaa in nabadda,wadajirka iyo walaaltinimada   ilaashadaan. Qaranimada Somaliland way ka ballaadhan tahay saddex murrashax qaranimada ayaana ka muhiimsan doorasho mar dhacaysa,waddan  waxa uu  waddan  ku noqdaa sharciga  iyo kala danbaynta  oo la   ixtiraamo.”

Prof. Aadan Xaaji Cali,  waxa uu tilmaamay  in baarlamaanku awood u leeyahay in wax ka beddal ku sameeyaan shuruucda garsoorka,waxaannu  yiidhi; “Haddaanu garsoorka nahay sharciga baarlamaanku ansixiyo ayaannu dabaqnaa, waana shaqo u taalla  xeer dejinta in wax laga beddalo shuruucda garsoorka annagu sharciga ma qorno ee sharciga baarlamaanku ansixiyo ama sharciyadii hore ee jiray  ayaannu  dabaqnaa,baarlamaankuna awood ayay u leeyihiin  in ay dib u habayn ku sameeyaan  shuruucda garsoorka oo  xeerka dastuurka ka hor imanaya la beddelo, waa shaqada xeer dajinta.  maxkamada sarena waxay  awood u leedahay   in ay fasiraad ka bixiso xeerarka ka soo baxa baarlamaanka.”

 

Guddoomiyuhu  wuxuu tilmaamay  in  maxkamaduhu qareen u qabtaan dadka aan awoodi karin in ay qabsadaan qareen difaaca;  “Waxa jira  wax la yidhaahdo  qareenka saboolka ama   kiis miskiin ayaa jira,  qofku hadduu qareen qabsan   kari waayo  qareen ayaa loo qabtaa,  caddaaladana waa loo siman yahay  markaa ma jiro qof la odhanayo waxba ma haystee  oo cidi u doodi mayso oo ka  wax haysta ayaa loo xukumayaa ma jirto taasi,”ayuu yidhi Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply