Waa Maalinta Keliya Ee Hooyada Dhoolacadayso…

0
404

Dr. Abdul Kalam waa madaxweynihii 11aad ee dalka India. Wuxu ahaa aqoon yahan cilmiga Fisigs aad u bartay oo qayb weyna ka qaatay samaynta gantaalaha  ay haystaan ciidamada Hindiya.

Waxa uu ahaa madaxweyne muslin ah oo dalkaasi loo doortay sanadkii 2002, isagoo xilkaasi hayay tan iyo sanadkii 2007.   Madaxweyne Abdul Kalam wuxu caan ku ahaa shaqo badan, aqoon sare, xikmadaha iyo hal abuurnimada waxaana  xikmadihiisa ka mid ah:

“Si aad hamigaaga ugu guulaysato waa inaad leedahay naf hurid qudha  oo ku saleysan hadafkaaga”.

“Doqonku wuxuu noqon karaa qof maskax badan haddii uu fahmo inuu doqon yahay, laakiin qof  kasta oo maskax badan wuxu isku bedeli karaa doqon hadii uu isu qaato inuu maskax badan yahay”.

“Midabka madow  dareen ahaan wuxuu u muuqda mid xun, laakiin sabuuradda madoobi waxay arday  kasta noloshiisa ka dhigtaa mid iftiimaysa”.

Wakhtiga ay warbaahintu weydiisay inuu qeexo maalinta dhalashadana wuxu ku jawaabay  “Waa maalinta qudha ee noloshaada ay hooyadaa dhoolacadeynayso adigoo ooyaya”.

Wuxuu dhintay  sanadkii 2015-kii isagoo muxaadaro ka jeediyay Mac-had ku yaalla India, waxaanu hore ugu dar-daarmay eraydan : “Markaan dhinto, fasax yaan la gelin si la iigu sameeyo Aas qaran, laakiin  sameeya inaad maalintaasi aad u shaqaysaan si ay riyadaydu u rumowdo”.

Leave a Reply