Poland Oo Baadhaysa Dadka Hawadda Sare Tagga iyo Qalabka Ay U Adeegsanayso

0
357

Xarun ay hore u lahaan jireen ciidamada Military-ga ee dalkaasi Poland ayaa laga sameeyey xarun lagu baadhaayo dabeecaddaha dadku yeeshaan markay hawada sare tagaan iyo siday u dhaqmaan.

Xaruntan ayaa ku taala magaalada Pella , iyada oo lagu magcaabo xaruntan  Lunares Base ama Mars Base,waxaana sidoo kale lagu baadhi doonaa ama lagu daraasayn doonaa xaaladaha goobahaasi lagala kulmo.

Sida lagu sheegay warbixin lagu qoray warbaahinta dalkaasi qaybo kamid ah oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan , waxa goobtan la dhigi doonaa Qalab Laboratory ah oo nooca cilmibaadhisaha ah, iyada oo ay maalgelinayso xarunta hawada sare u qaabilsan wadamada Yurub ( European Space Agency ) , iyada oo hay’addaasi ugu talo gashay in lagu baadho dabeecaddaha dadku siday noqdaan markay hawada sare u baxaan iyo waxa iska bedela.

Waxa tijaabadii ugu horeysay bilaabaaya kooxdii ugu horeysay ee cirbixiyeeno ah , kuwaas oo muddo laba toddobaad ah halkaasi tijaabo ku joogi doona,kooxahan ayaana ka kala socda wadamada Puerto Rico, Israel , Spain  ,France , India iyo Nigeria , waxaana halkaasi ka socon doona Tabobaro socon doona bilaha  September ilaa October.

Goobtan ayaa laga dhisay  qolal hurdo, meelo cuntooyinka lagu diyaariyo, laabab kuwa Biology-ga ah, xarumo waaweyn oo kuwa kaydka ah iyo xamaamo, waxa kale oo lagu tabobari doonaa dadka goobta jooga dharka loo xidho hawada sare  oo qaabab kala duwan loo qaabeeyey.

Mashruucani waa mid aad u muhiim ah,waana mid aan noociisa hore loo samayn sida ay sheegeen khubarada wadda mashruucani, waxa kale oo tilmaameen in uu yahay kii ugu horeeyey ee ay sameeyaan khubaro kala duwan.

 

Leave a Reply