Madaxwaynaha Iiran oo Magacaabay Saddex Madaxwayne oo Haween ah

0
394

Madaxweynaaha  Iiraan  Hassan Rouhani ayaa u magacaaabay saddex haween ah in ay noqdaan madaxweyne ku xigeenadiisa.

Sida oo kale waxa uu haweenay u magacaabay kaaliyaha xuquuqda rayidka.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii la dhaliilay golihiisa wasiirada oo dhammaantood ah rag.

Tan iyo markii uu dhacay kacdoonkii Iran 1979-kii, waa markii ugu horraysay oo haween loo magacaabo xilal sidaas u sarreeya, marka laga reebo hal wasiir oo lagu magacaabi jiray Mardiyah taasi oo soo qabatay wasaaradda caafimaadka xukuumaddii Maxamed Axmedi Najad sanidihii 2009-2013-kii.

Xukuumad uu soo dhisay madaxwaynuhu oo aan wali la horgayn baarlamaanka ayaa waxaa tiro yar ku leh Muslimiinta Sunniga ah, kuwaasi oo 10% ka ah tirada guud ee dadka Iran.12 qof ayaa maamusha hay’adaha kala duwan ee ay ka kooban tahay madaxtooyadu.

Iran ayaa ku jira baarlamaanka dalkaas

Xukuumad uu soo dhisay madaxwaynuhu oo aan wali la horgayn baarlamaanka ayaa waxaa tiro yar ku leh Muslimiinta Sunniga ah, kuwaasi oo 10% ka ah tirada guud ee dadka Iran.

Masumeh Ebtekar ayaa loo magacaabay ku xigeenka madaxwaynaha ee arrimaha haweenka iyo qoyska, halka Maaouma Jnid loo magcaabay ku xigeenka madaxwaynaha ee arrimaha sharciga iyo Sheindecht Mulawardi oo loo magacaabay in ay madaxwaynaha kala taliso arrimaha xuquuqda rayidka.

Axsaabta isbedel doonka ah ee Iran ayaa ku doodaya in kala duwanaansho la’aanta golaha wasiirada ee cusub oo ay dumarku ku yaryihiin ay tilmaam u tahay in madaxwaynuhu uu cadaadis kala kulmay hay’adaha kala duwan ee diinta.

Golaha baarlamaanka ayaan is hortaag ku samayn doonin wasiirada cusub, maadaama intooda ugu muhiimsan ay ogolaansho ka haystaan wadaadka ruuxiga ee Aayatullaahi Cali Khumayni.

Xassan Ruuxaani ayaa loolankii doorashada madaxtinimo uga adkaaday ninkii la tartamayay ee Ibraahiim Ra’iisi.

 

Leave a Reply