Wasiirka Duulista oo WADDANI ku Dhaliilay Inaanay Lahayn Barnaamij Cad oo Siyaasadeed

0
339

Hargaysa (Dawan)-  Wasiirka wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyadda Somaliland,  Faraxaan Aadan Haybe,  ayaa  ka jawaabay eedaymo uga yimid masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kuwaasi oo booqday madaarka diyaaradaha Ceerigaabo oo xidhan, isla markaana aan wax shaqo ah qaban hadda.   

Wasiirka wuxuu hab-dhaqanka siyaasadeed  ee xisbiyadda mucaaridka  ah gaar ahaana xisbiga WADDANI.  Waxaanu   ku tilmaamay in ay bulshadda u sheegayaan  wax yaabo  been ah, isla markaana aan  ku cadayn  buugaagta barnaamijyadoodda   siyaasadda, kuwaasi oo ka hadlaya waxyaabo aanay qorsheba ka lahayn.

Wasiirka duulista hawadda waxa uu sidan ka sheegay mar uu  maanta hadal  ka jeediyay munaasibad lagu sagootinayay shaqaale ka tirsan wasaaradda duulista oo  tababar aqoon korodhsi ah ugu baxay dalka Itoobiya.

“Waxaan warbaahinta ka maqlay xubno   xisbiga WADDANI  ka tirsan  oo booqday  madaarka diyaaradaha ee magaaladda Ceerigaabo,  oo ka hadlayay  madaarka iyo hawlihiisa.    Xisbiyadda   mucaaridka ahi marka  ay barmaamij  samaystaan, ayay   raaci jireen dabadeed wixii barmaamijkooda ugu jira uun bay ka hadli jireen.  Laakiin  waxaad moodaa imika in ay qaar ku Dayoobeen (Dham’een)  oo ay ka hadlayaan waxaan barmaamijkoodaba ku jirin,”ayuu yidhi Farxaan Aadan Haybe, waxaannu intaas ku daray;  “Waxaan  rejaynayaa in mudada noo hadhay haddii ay suurto gasho in wixii daruuri ah laga qabto.  Taasi  waxay muujinaysaa   in  aanay dayacaadi jirin,  ku tallo-galka qorshaha  wasaaradana ay ku jirto.

Laakiin waxaan leeyahay qolyaha mucaaridka ah haddii  aad dacaayad ka dhiganaysaan, waxa la idiinka baahan yahay  waxaad qabanaysaan ee aad barmaamij siyaasadeedka ka dhigateen ka hadla,  kolba inta aad gidaar istaagtaan ha odhanina kan iyo kan,  ciidamada ayaanu mushahar u kordhinaynaa,   wax aad qaadi karaysaan oo dadku idinka aqbalo ka hadla.”

 

Waxa  kaloo  uu ka warbixiyay halka ay marayso hawllo dib u dhis ah oo lagu  samaynayo madaaradda diyaaradaha ee magaalooyinka Burco, Ceerigaabo iyo Boorama. Waxaannu yidhi  “Ka wasaarad ahaan waxaan idiin sheegayaa in madaarka Burco, ka Ceerigaabo  iyo ka Boorama.  Madaarka   Burco hadda  shaqadiisu way socotaa,  ka Ceerigaabo iyo Boorame in laga shaqeeyo wixii  awoodu  noo saamaxday  ayaanu ku dedaalaynaa.  Ka  Laasacaanood laftiisu hadda wuu  shaqeeyaa.

Waxyaabaha  saameeyay waxa ka mid ah  duruufta dhaqaale,  abaaraha,  sixir bararka waxyaabahaas ayaa miisaaniyadeenii saameeyay boqolkiiba 40% ayaa miisaaniyadeenii sanadka is-dhimay.  Taasi  waxay keentay in madaxwaynuhu  soo saaray go’aan   ah in la hakiyo waxyaabihii mashaariicda ahaa  oo dhan,  waana  sababta hakisay shaqadii mdaaradda laga waday”.

Dhinaca kale wasiirka duulista ayaa shalay sii sagootiyey 10 ka mid ah shaqaalaha wasaaradiisa oo waxbarasho ugu baxay dalka Itoobiya,  kuwaasi oo hore u soo bartay cilmiga hagista diyaaraha, isla markaana  hadda markii labaad la sii xoojin doono xirfadooda

Munaasibada sagootinka shaqaalahaasi waxbarashadda ugu baxay Itoobiya oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Hargaysa ayaa wasiirka oo hadal ka jeediyay  ayaa kula dar-daarmay shaqaalahan aqoon korodhsiga  ku tegaya Itoobiya in ay si wanaagsan uga soo faa’iidaystaan.

“Waxaan  idinka rejaynayaa   in aad si fiican uga soo faa’iidaysataan tababarkaasi, waana mid qiimo weyn inoo leh. Sidoo kale waxa jira  shaqaale kale oo ay hay’adda ICAO   inoo soo tababarayso  oo Nairobi ku maqan.  Ujeedadeenu  waxay tahay    in aynaan   ICAO  iyo cid kale toona isku halayn  ee maalinta ay noqoto in aynu hawdeena maamulano  in aad idinku noqotaan kuwa shaqadaa buuxinaya,” ayuu yidhi wasiir Farxaan.

Ugu danbayn wasiirka ayaa u   mahad celiyay  dawladda Itoobiya oo uu sheegay in ay mar walba gacan ka siiso kobcinta aqoonta shaqaalaha  iyo tababaradaba.  Waxaanu  yidhi “Waxaan mahad balaadhan u soo jeedinayaa dawlada Ethiopia oo si hagar la’aan ah noola garab taagan dedaal kastoo aynu ka dal-bano  noogana  soo jawaaba,  masuuliyiinteeda oo ugu horeeyo raysal wasaaraha iyo wasiirka gaadiidka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply