Xisbiga UCID oo ku Hanjabay Inay Xubintii ay Magacaabeen Kala Baxayaan Komishanka Doorashoyinka

0
382

Ceerigaabo (Dawan)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng Faysal Cali Waraabe,  ayaa sheegay in xubintii ay xisbi ahaan soo xuleen ee  kaga jirta guddida doorashooyinka Somaliland ay kala baxayaan,  haddii aan guddidu talllaabo ka qaadin  wax uu ku tilmaamay ololaha aan wakhtigiisii la gaadhin ee ay wadaan KULMIYE  iyo WADDANI.

 

Guddoomiye Faysal oo shalay kormeeray qaabka kaadhadh qaybinta codbixiyeyaashu  ugu socota gobolka Sanaag gaar ahaan Magaalada Ceerigaabo, ayaa dhaliilay nidaamka shaqo ee Komishanka doorashooyinka qaranka, waxaanu xusay in aannay saddexda xisbi ku kala saari karin sida ay hadda wax u wadaan waxaannu yidhi;  “Komishanka awooda baa la siiyey , xeer bay naga saxeexen kumana dhaqmayaan. markaa Ilama aha Komishankani mar  haddii aanay Xeerka hagaajinayn oo socodsiinayn in ay na kala saarayaan.”

 

“Waxaannu doonaynaa in aannu dib u eegno Komishanka qaab dhismeedkiisa , anigu xubin baanu soo magacownay waxaan ka fikirayaa in aan kala baxo iyo in kale,  waayo wax loo adkaysan karayo maaha sida ay u shaqaynayaan,”ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiyuhu wuxuu balanqaaday inuu murrashaxiisa madaxweyne ku-xigeenka ka soo xulan doono siyaasi ka soo jeeda gobolkaas, waxaannu yidhi;  “Waxaan bulshada ugu busharaynayaa in Madaxweyne ku xigeenkaygu ka imanaayo gobollada bari gaar ahaan gobolka Sanaag.”

 

Dhaliishan ayaa kuso beegmaysa xilli Komishanka doorashooyinku u digniin saddexaad u diray xisbiyada WADDANI  iyo KULMIYE oo ay ku eedeeyeen inay olale  ka wadaan  deegaannada ay ka socoto kaadhadh qaybinta codbixiyeyaasha.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply