Guddoomiye Ramaax oo ka Hadlay Koox Weerartay Xaafad ka mid ah Burco

0
394

Burco (Dawan)- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa  digniin adag u diray koox dabley ah oo shalay weerartay xaafad ka mid ah magaalada Burco oo ay deggan yihiin dad danyar ah, kooxdaas oo  sheeganaysa dhulka ay qoysaskani  deggen yihiin.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in aanu jirin wax go’aan maxkamadeed ah oo fulin lagu soo saaray oo soo gaadhay xafiiskiisa, isla markaana aanay u dulqaadan doonin cid kasta oo ku kacda fal amni darro, waxaannu intaa ku daray in shaqsiyaadkii weeraray shalay xaafada Aadan Saleebaan ee Burco in tallaabo adag ay ka qaadayaan oo sharciga la hor keeni doono.

Guddoomiye Ramaax,  waxa uu sidaa ku sheegay waraysi mar uu xalay u warramay Wargeyska Dawan.

“Maanta (shalay) koox hubaysan ayaa weerar ku qaaday xaafad la deggan yahay oo  ka mid ah magaalada Burco oo la yidhaahdo Aadan Saleebaan, falkaasina wuxuu ahaa fal aad u fool xun oo aan la aqbali karin, cid kasta oo shaqaaqadaa ku kacday oo dadka rayidka ah rasaas u adeegsaday waajibka naga saaran ayaannu ka qabsanaynaa, ciidankuna imika way ku hawlan yihiin in ay soo qabtaan oo ay gacanta ku soo dhigaan,”ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Waxa kaloo uu intaas ku daray ;  “In badan ayuu meesha muran ka jiray oo muddo ayuu soo taxnaa laakiin wax go’aan maxkamadeed ah oo ka soo baxay iyo fulin laga soo saaray oo na soo gaadhay ma jirto cid odhan karta sharciga gacantayada ayaannu ku fushanaynaana ma jirto, dalkana dawlad qudha ayaa ka talisa, cid kasta oo dambi gashana sharciga ayaannu horkeenaynaa. Waxaad moodaa in ay soo baxday fikrad xun oo qaldan oo  ay shaqsiyaad boob doon ahi ay wadaan oo ah dawladda xilligeedii wuu dhammaanayaa ee sii booba, taasina cidna u suurageli mayso, cid kasta oo fikirkaa wax boobka ah aaminsanna tallaabada ku habboon ayaannu dawlad ahaan ka qaadaynaa. Kooxdaasina shalay ayay rasaas ku rideen dadkii xaafada deganaa, ciddina waxba kumay noqon oo halkaa qasaare  kama dhicin, isla markiibana waxaa ka hawlgalay ciidanka booliska oo ku daba jira, hawshaas baadhisteediina way socotaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply