Cali Guray oo Lafa-guray Sababta Axmed Jaambiir ugu Biiray Xisbiga Waddani

0
404

Hargeysa (Dawan)- Siyaasiga  Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) oo ka tirsan  xisbiga KULMIYE, ayaa ka sheekeeyey dhacdooyin iyo duruufo uu goobjoog u ahaa oo soo kala dhexmaray guddoomiyaha KULMIYE, ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbal-xaakimka,  Muuse Biixi Cabdi iyo siyaasiga Axmed Jaambiir Suldaan oo mar ahaan jiray Wasiirka Daakhiliga xukuumaddii Madaxweyne Cigaal, kaasi oo isaga iyo xubno kale oo la socday ay Khamiistii ku biireen  xisbiga mucaaradka ah ee  WADDANI.

Cali Gurey ayaa bartiisa Facebook, kaga sheekeeyey kala duwanaanshaha shakhsiyeed iyo siyaasadeed ee guddoomiye Muuse Biixi iyo siyaasi Axmed Jaambiir oo isku beel ka soo  wadajeeda.

Waxa kaloo uu Cali Guray ka hadlay sababta xilligan Axmed Jaambiir dib ugu soo celisay  miidaanka siyaasadda dalka, waxaannu xusay inay la xidhiidho xoojinta carqaladeynta ololaha madaxtinimo ee guddoomiye Muuse Biixi.

 

Qoraalka Cali Guray waxa uu ciwaan uga dhigay  ‘Muuse iyo Axmed Hadmay is ahaayeen?’, waxaanay u qornayd sidan:-

 

“Muuse Biixi iyo Axmed Jaambiir weligoodba ismay ahayn. Muuse kuwa uu marka hore isagu soo qaado ee isagu wax ka dhigo ayuun baa marka dambe halaqyo iyo dibqaloocyo ku noqon jiray oo isaga loo adeegsan jiray. Shirkii Baligubadle kursigii golaha dhexe ee Xuseen Abokor (Jufo kamid ah beesha Sacad Muuse)  Muuse Biixi ayaa Axmed Jaambiir ku fadhiisiyey waana halkii uu sallaanka siyaasadda ka soo fuullay 1990kii. Laga soo bilaabo maalintaa wuxuu Axmed Jaambiir  wax ku noqon jiray dagaalka siyaasadda oo loo adeegsan jiray Muuse Biixi.

 

Cabdiraxmaan Tuur iyo Cigaal oo uu  labadaba ka hor yimmi Muuse Biixi budadkii ay la dhici jireen ayuu Axmed Jaambiir ka mid ahaa. Wakhtigaa iyo ka horba aniga laftaydu Muuse waan diidanaa oo waan ka soo horjeeday laakiin aniga iyo Axmed waxaannu ku kala duwanayn,  aniga ayaa Muuse haystay oo talada ayaannu isku haynay. laakiin in badan ayaa la isku deyay in la ii adeegsado oo  waan diiday,  weligayna Muuse qof kale oo isaga ay is hayeen umaan soo raacin. Tusaale waxa ah markii la xidhay waxaan ahaa ninkii koowaad ee la doonay in lagu beddelo laakiin waxaan ahaa ninkii shiriyey saraakiisha qaybta galbeed ee ku qanciyay in aanu midkaayona aqbalin inuu qabto xilkii Muuse Biixi laga xidhay. Waxaan ahaa ninkii u sheegay Guddoomiyaha SNM go’aanka saraakiisha qaybta galbeed ee qaadacaadda xilkii Muuse laga xidhay aniga oo weliba ka mid ahaa shakhsiyaadkii ka soo jeeday dhinaca Gudoomiyaha Axmed Siilaanyo wakhtigaasi ee weliba ugu dhawaa. Sababta aan ugu  sheegay guddoomiyuhu waxay ahayd ‘Gudoomiye aniga oo arrintii dhacday ka xun kana soo horjeeday haddana waxaan u arkaa in xadhiga saraakiisha qaybta Galbeed uu siyaasadaysan yahay sababahaa iyo dhacdooyinkaa kale ee la xidhiidha marka aan eegay sidaa daraadeed waxaannu ku heshiinay markii ugu horreysay in aan aniga iyo sarkaal kale oo qaybtayda ah tooni aqbalin inuu qabto xilkaasi. Laakiin saraakiishii aanu go’aanka wada qaadanay oo isu dhan iyo xoghayahaga ciidanka xoraynta (Cabdisamad Xaaji Gamgam) ayaa go’aan ku soo gaadhay in aanay ka maarmi karin qaybtu taliye xidhiidhiya taliska guud iyo hoggaanka ururka ka keliya ee xaaladan adag aan looga maarmi karinina uu yahay Cali-gurey oo Axmed Mire iyo Xasan Yoonisna xidhiidh fiican la leh, Gudoomiyahana ka ag dhaw, isla markaana aan aqbali doonin wax dhibaatayn kara qaybta, sidaa ayay iigu yimaadeen iyagoo is wata aakhirkiina waan aqbalay waxanan ku aqbalay talo loo dhammaa muxaafid iyo mucaarid. Qaybta galbeed iyo gaar ahaan kalsoonida ay igu qabeen dhammaan mujaahidiinta qaybta galbeed iyo kuwa qaybaha kale ee ciidanka xorayntu.”

 

“Markii laga soo dareeray shirkii Baligubadle ee Muuse dhinaca mucaaridka la saftay markiiba waxa loo yeedhay Axmed Jambiir oo Xoghayaha maaliyadda laga dhigay si uu Muuse sutida ugu qabto waanu aqbalay. Cigaal markii Muuse iyo colkiisii la isku dhacay isaga ayaa haddana loo yeedhay oo Wasiirka Arimaha Gudaha laga dhigay si uu Muuse sutida ugu qabto, waanu aqbalay. waxaan markhaati ka ahay inta aan ogahay oo Illaahay igaga sarreeyo in Axmed Jaambiir xil aanu Muuse daraadii ku helin aanu qabanin intii aan goobjooga u ahaa tan iyo 1990-kii. Isaga iyo ragga gidaarada laga soo jafay kamay dhex muuqanin siyaasadda xisbiyada, siyaasadda Parking-ka ayay yaaleen, haddana sabab kale looma soo kicinin oo aan ahayn ololaha ka dhanka ah murrashaxa  xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waana caadadii isaga iyo kuwo kaleba,” ayuu qoraalkiisa kusoo gunaanday Cali Maxamed Yuusuf.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply