Maamulka D/Hoose Hargeysa oo Mushaharkii u Kordhiyey Shaqaalahooda

0
373

Hargeysa(Dawan)- Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa mushaharkii u kordhisay shaqaalaha ka hawlgala qaybta dakhli soo-saarka ama cashuuraha, sidaasna waxa xalay noo xaqiijyay Xoghayaha Fulinta D/Hoose ee caasimadda, Cali Xasan Cawaalle.

Xoghaye Cali Xasan, waxa uu sheegay in shaqaalaha ka hawlgala cashuuraha Dawladda Hoose ay maamulka degmaddu u labba-laabeen mushaharooyinkoodii bishii la soo dhaafay.

“Waxaan idiin sheegayaa in guddida fulinta ee Dawladda Hoose ee Hargeysa aannu bishii hore qaadnay tallaabo mushaharooyinkii loogu labba-laabey shaqaalaha qaybta cashuuraha ee qaabilsan dakhli soo-saarka D/Hoose oo markii hore qaadan jiray lacag yar oo ah 500.000 Sl Sh ah. Waxaannu uga dhignay oo ay bishii u dambaysay  qaateen 1000.000 Sl sh ah qofkiiba,”ayuu yidhi Xoghayaha Dawladda Hoose, waxaannu intaas ku daray in shaqaalahan mushaharka loo kordhiyey ay ku dhow yihiin 600 oo qof.

Xoghayuhu waxa uu iftiimiyey  in markii ay maamul ahaan ka baaraan-degeen ay garwaaqsadeen  in mushaharka loo kordhiyo shaqaalahaas oo uu xusay in looga baahan yahay in iyaguna kor-u-qaadaan shaqadooda maalinlaha ah ee ah dakhli soo xareynta, waxaannu yidhi; “Shaqaalahan waxaa mushaharka loogu kordhiyey inay sare u qaadaan shaqadooda oo ay dedaal geliyaan inay cashuuraha soo xareeyaan.”

Xoghayuhu waxa uu xusay inay ka go’an tahay inay shaqaalaha dawladda hoose mushaharooyinkooda kordhiyaan, hase ahaatee taasi ku xidhan tahay hadba sida dakhligu yahay.

Waxa kaloo uu ku booriyey dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa inay siday tahay u bixiyaan cashuuraha kala duwan ee ku waajibay si maamulka dawladda hoose wax uga qabto adeegyada daruuriga ah ee ay bulshada u qabtaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply