Khilaafkii Golaha Wakiillada oo Lasoo Afjaray Iyo Talyanle oo u Tanaasulay Baashe

0
358

Hargeysa (Dawan)- Khilaafkii ka dhashay doorashadii Guddoomiyaha  cusub ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu murmay, ayaa lagu  soo afjaray  magaalada Hargeysa shalay.kadib markii uu Murrashaxa madaxweynaha xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu waanwaan ka dhex dhaliyey Guddoomiye Baashe iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo caddeeyey inay isku tanaasuleen.

 

 

Go’aankan ayaa ka dhashay kulan Cabdiraxmaan Cirro iskugu keenay gurigiisa  Guddoomiye Baashe iyo Xildhibaan Talyanle oo lagaga dhawaaqay in heshiis laga gaadhay khilaafkii ka taagnaa guddoomiyenimada wakiillada.

 

“Waxaan ummadda Somaliland u sheegayaa in aannu soo afjarnay khilaafkii golaha Wakiillada, waxa aannu  garanay in shacabka iyo dalka laga dulqaado welwelka faraha badan ee haya oo loo tudho, waxaa guddoomiyaha golaha wakiillada ah Baashe Maxamed Faarax oo uu Cabadiraxmaan Talyanle  u      tanaasulay isagoo  helay 39 cod,”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

 

Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax,  ayaa dhanaciisa uga mahadceliyey Xildhibaan Talyanle tanaasuulka uu sameeyey iyo badbaada qarankiisaba; “Abtigay Cabdiraxmaan Talyanle aad ayaan ugu mahadcelinayaa tanaasulka uu sameeyey, dalka waxay u tahay badbaado, gole khilaaf ka jiranna runtii gole noqon maayo, aniguna waxa aan u ahay dhex,  waxaanan filayaa in khilaafkii dhammaaday,”ayuu yidhi Guddoomiye Baashe.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ayaa sheegay inuu guddoomiyenimadii uga tanaasulay Baashe Maxamed Faarax, isagoo xeerinaya danta iyo badbaadada golahooda, waxaannu yidhi; “Wadahadal dheer ka dib, socdaalka dheer ee doorashada lagu galay annaga oo aan eegayn xag cod, annaga oo mar walba qiimaynayna ummadda Somaliland, annaga oo qiimaynayna nidaamka golaha wakiillada, waxaan halkan ka caddaynayaa oo ummadda Somaliland u sheegayaa in aan ka tanaasulay  kursigii aan doorashada ku helay 39-ka cod  oo aan uga tanaasulay Baashe Maxamed Faarax.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply