Badhasaabka Awdal oo ka Jawaabay Hanjabaad ka soo Yeedhay Maayarka Boorame

0
390

Boorame (Dawan)- Badhasaabka  Gobolka Awdal, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa ka jawaabay eedaymo ay u jeediyeen maayarka Boorame iyo xildhibaannada golaha degaanka. Kuwaasi oo sheegay in haddii ay hubka qaadan lahaayeen sida reer Sool badhasaab looga dhigi lahaa nin reer Awdal.

Mustafe Shiine, oo shalay  shirjaraa’id ku qabtay  xafiiskiisa Boorame, waxa kaloo uu ka hadlay  eedaymo ay maayarka Boorame iyo xildhibaanno  u jeediyeen  badhasaabka gobolka Togdheer, oo ay ugu hanjabeen in aanu Boorame iman karin haddii uu muraad ka yeesho.

 

“Waxaan doonayaa in aan ka jawaabo  hadallo ka soo yeedhay maayarka Boorame iyo xildhibaanno ka tirsan golihiisa degaanka, aflagaado  geysan maayo, qasana maayo. Mana rabo in aan nabadgeliyo darro horseed u noqdo, oo I dhaahdo dadweynoow kaca dhulkiinnii baa la boobayaaye.

In aan anigoo masuul qaran ah dadka kala fogeeyo, oo aan kala qoqobo ma rabo. Taasina cidii TV-yada la soo is-taagtay ee maayarka iyo xildhibaannadiisa ayaa ka masuul noqonaya dhaawaca qaranimadda Somaliland soo gaadhay,  ee ahaa u kala abtirinta iyo hanjabaadda iyo kicinta dadweynaha,”ayuu yidhi Badhasaabku.

Mustafe Shiine waxa uu nasiib darro ku sifeeyay maayar dawladii uu masuuliyadda ka hayey kala saaraya, waxaannu yidhi;  “Waa nasiib darro in nin maayar ahi, uu dadkiisii iyo dawladiisii isku dirayo oo uu kiciyo dadweynaha .  Maayarku aniga eedo wuu ii waayey,  waxaannu iga sheegay hadallo ku tiri ku teen ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.”

 

 

Dhinaca kale  badhasaabka Awdal, waxa kale oo uu ka jawaabay eedaha ay maayarka Boorame iyo xildhibaanadiisu u jeediyeen badhasaabka Togdheer. “Raxmaax, waa badhasaabkii aan xilka kala wareegay, waa badhasaab gobolka wax badan ka qabtay, badhasaab taariikh ku leh weeyi shaqadda. Wax saamayn ah oo halkan (gobolka) nagu leeyahayna  ma jirto, waa badhasaabka Togdheer, laakiin wuu iman karaa Boorame, cid u diidi kartaana ma jirto,” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Awdal.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply