Hargeysa(Dawan)- Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay inay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ay biyo ku filan gaadhsiin doonto hal milyan iyo laba boqol oo kun oo qof oo ku dhaqan caasimada Hargeysa.
Wasiiru wuxuu sidaas ka sheegay shalay xaflad loo sameeyey dhagax-dhigga barkad weyn oo kayd biyood loogu talogalay oo ka mida mashruuca biyo ballaadhinta a Hargeysa. Waxaana xafladaas kala qaybgalay wasiirro iyo maareeryaha wakaalada biyaha Hargeysa.
Waxa kaloo uu ka hadlay muhiimada ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo siisay mashruucda biyo ballaadhinta caasimada oo si mug leh u socda; “Saaka (shalay) waxaannu halkan u nimid in aannu dhagax dhigno barkadan kaydka biyaha loogu talagalay magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafadda sheedaha oo ah barkadii sagaalaad ee magaalada laga qodayey ee ka mid ahayd mashruuca biyo ballaadhinta caasimada. Shirkadda Cocacola Afrika Foundation waxay qodaysaa afar barkadood oo ka mida sagaalkaas, oo tani ay ku afar tahay, saddexda kalena shaqadoodii way socotaa imika, barkad waxa laga qodayaa xaafada masalaha, barkadna xaafada Ina Naxar, barkadna Siinge-siingaha ayaa laga qodayaa, waxa jira shan barkadood oo kale oo ay dawladda Jarmalku maal-gelisay oo afartan la mid ah sagaalkaas barkadood waxay kaydin doonaa biyo dhan 16 000 meter cubic, magaaladu waxay hore u lahayd laba barkadood oo qudha, xilligii dawladii Ingiriiska hal barkad ayey lahayd oo 1000 mitir cubic qaada, xilligii dambe ee Kacaankanna waxay Jayniisku dhiseen hal barkad oo kale ooo 3000 mitir cubic qaada, afartaas kun ayaa kayd inoo ahaan karayey,”ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu intaas ku daray in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay mudaan weyn u leedahay sidii caasimadu u heli lahayd biyo ku filan, waxaannu yidhi; “Biyuhu sida la oghahay waa hal-bawlaha iyo saldhiga nolosha, halkanna waa caasimadii qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxa ku nool bulsho aad u faro badan oo Malyuun iyo laba boqol oo kun oo qof gaadhaya, dadka Somaliland oo ilaa Afar milyan lagu qiyaaso, bulsho urursan oo Malyuun iyo laba boqol oo kun ahi inta ay ka tahay waad qiyaasi kartaa, waayo bulshada Somaliland ee kale waa bulsho firidhsan, marka in halkan ay biyo la’aan xoog lihi ka jirto, Xukuumadda xisbiga KULMIYE ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay u ahayd bar-tilmaameed in dadka caasimada ku dhaqani ay helaan biyo ku filan, 1,200, 000 oo qof oo caba biyo loogu talogalay 120, 000 oo qof, waad garan kartaa culayskeeda.”
Maxamuud Xaashi oo waxa uu sharraxay halka dawladdu ka keentay dhaqaalaha lagu hirgelinayo mashruuca biyo ballaadhinta Hargeysa, waxaannu yidhi; “Sidaas darteed ayaannu u aragnay inay muhiimad weyn tahay biyaha caasimaduna ay hal-bowle yihiin, mashaariicda ugu mudanna yihiin, qorshe ayaannu samaynay xukuumad ahaan qorshihii aannu samaynayna dunida ayaannu u bandhignay, waanu u yabooh tagnay, biyaha caasimada lagu samaynayaa lacag yar maaha $ 61 Milyan oo doolar ayaa maanta galaya, oo dhaqaale aynu u bahaan nahay in laynagu taageero, waxaynu u mahad naqaynayaa hal abuurkii aanu la nimid dunidii naga taageertay, gaar ahaan dawladaha Midwoga yurub oo bixiyey lacago ilaa 30 milyan ah, dawladda Jarmalka oo bixisay ilaa $23 milyan, Shirkadda Cocacola Afrika oo bixisay ilaa $5 Milyan oo doolar, iyo $2 Milyan oo doolar oo sanduuqa SSDF laga kabayo gaabkii soo baxay, iyo hal malyuun oo ay Xukuumaddu bixinayso waa $61 Milyan oo doolar, waa lacag aad u badan, waxa laga yaaba in dad badani la yaabo, biyuhu qalabakiisu waa qaali, waxana loo samaynaa nidaam casri ah, dhul badan ayaa laysku xidhayaa, dadkaas badana waa la waraabiyaaa, biyuhu laba waji ayey lahaayeen, wajigii koowaad oo beeb casri ah la dhigayey hada gabagabo ayuu ku dhaw yahay.
Wejiga labaadna waa mashruuca labaad oo aanu ku rajo waynahay inuu inaa 2018 dhamaado, Ilaahay ayeynu ugu mahad celinayaa, dhammaan dadkii inagu taageerayna waynu u mahad celinaynaa, waxaan is leeyahay muhiimadii mashaariicdaa loo sameeyey waa la xaqiijiyey, dhammaan mashaariic daasina waxay u hano qaadeen sidii laagu tallo galay.”
Dawannews Hargeysa office